Hay’adda Save the Children oo sheegtay in dhibaatooyin badan ay haystaan Caruurta ku dhaqan dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in dhibaatooyin badan ay haystaan Caruurta ku dhaqan dalka Soomaaliya.

Hay’adda Save the Children ee ku howlan daryeelka dhinaca Caruurta Caalamka ayaa waxay shaaca ka qaaday inay jiraan dad badan oo Soomaali ah gaar ahaan Caruurta Soomaaliyeed oo haatan haysata dhibaatooyin aad u adag, loona baahan yahay in dhaqsi wax loogu qabto xaaladaha bini’aannimo ee jirta dalka Soomaaliya. 

Justin Forsyth oo ah  Madaxa sare  ee Hay’adda Save the Children oo Warbaahinta la hadlayey magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa sheegay inay jiraan dadaal badan oo la sameeyay iyo deeq la gudoonsiyay shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jira raashin, biyo nadiif ah iyo  waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolosha, islamarkaana ay ka faa’ideysteen 1.7milyan oo Soomaali ah, kuwaas oo ku dhibaataysnaa Soomaaliya.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in Caruur lagu qayaasay 250 kun qof oo Soomaali ah haatan ay u baahan yihiin kaalmo bini’aannimo, waxaana hadalkaani ka soo baxay Hay’adda Save the Children uu imaanayaa xilli Madaxa howlaha horumarinta dowladda Ingiriiska Andrew Mithchel uu ka dhawaajiyay in dowladda Ingiriiska ay bixinayso 9-kun tan oo raashin ah oo loogu talagalay in lagu samata biyo shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: