Dowladda oo sheegay in ay gobolada qaar goor dhow gacanta ku dhigayaan iyo Al-Shabaab oo sheegtay in ay ka war heshay weeraro kusoo wajahan.

Halkaan ka akhri

Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Gedo, waxaana guud ahaan Gobolkaasi uu yahay mid dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan.

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ASWJ oo is garabsanaaya ayaa sheegay inay doonayaan inay la wareegaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay haatan gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Saraakaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka war heleen weerarda kaga imaan raba ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba kuwa Kenya, Ethiopia iyo ASWJ.

Dhinaca kale Al-Shabaab waxay sheegeen in ay iska difaacayaan hadii weerar lagu soo qaado, iyadoo maalmihii dambe Ciidamada Dowladda KMG ah ay goboladaasi gaysay ciidamo fara badan oo tababar ciidan soo dhamaystay.

SomaliSwiss Gedo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: