Diyaaradaha dagaal ee Kenya oo mar kale duqeyn ka geystay deegaanka Kudhaa ee gobolka Jub/Hoose.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya deegaanka Kudhaa ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay mar kale duqeyn xoog leh ka geysteen deegaankaasi.

Lama sheegi karo  illaa iyo iminka qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta loo geystay deegaanka Kudhaa, balse dadka deegaanka oo aan xariiro kala duwan la sameyney ayaa sheegay in diyaarado nooca dagaalka ah ay weerar duqeyn ah kusoo qaadeen Jaziiradda, iyadoona dhowr gantaal lagu soo tuuray gudaha Jaziiradda, kalkaas oo ay ku nool yihiin dad shacab ah.

Jaziiradda Kudhaa iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow ayaa lagu soo waramayaa in uu maanta ka socdo barakac kii ugu darnaa, maadaama ay tahay markii labaad oo ay diyaaradaha duqeeyeen halkaasi, waxaana ay cabsi lasoo daristay dhammaan dadkii ku dhaqnaa Jaziiradaha dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Diyaaradaha Kenya ayaa horey duqeymo uga geystay deegaano badan oo katirsan gobolka J/hoose oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana duqeymahaasi cabasho ka muujiyay shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka.

Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan deegaanadaasi ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay ka fiirsato goobaha ay duqeyneyso, iyagoo intaasi ku daray in duqeymahaasi ay waxyeelo kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan, isla markaana dowladda Kenya ay sheegto in ay duqeymo ka geysatay goobo ay Al-Shabaab xerooyin ku leeyihiin.

Dhowaan ayey aheyd markii ay diyaaradaha Kenya duqeymo ka geysteen deegaanka Howsingow, halkaas oo ay 15 ruux oo rayid ah ku geeriyoodeen, halka dadka duqeyntaasi ku dhaawacmayna ay gaarayeen 33 ruux oo dad rayid ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: