HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Barnaamij looga hadlayay wacyigalinta gudniinka fircooniga ah ayaa Xalay lagu qabtay magaalada Zürich ee dalkan Switzerland.  Barnaamijkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay haweynay la yiraahda Monika Huerlimann oo Hay’ada Caritas ee dalkan Switzerland ugu qaabilsan mashruuca dabar-goynta Gudniinta gabdhaha, iyo qaar ka mid ah Haween Soomaaliyeed ee ay horkacaysay Caasho Cali Jilacow, waxaana kulankaas lagu casumay Gudoomiye ku-xigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich Dr. Axmed Dhicisow.
Ugu horreyntii waxaa Kulanka Barnaamijka wacyigalinta ka hadashay Marwa Caasho Cali Jilacow waxayna sheegtay in Mashruuca lagu dabar goynta Gudniinta gabdhaha uu socon doono ilaa ay ka fahmaan bulshada Soomaaliyeed waxyeelada uu leeyahay Gudniinka Fircooniga ah.
Barnaamijka wacyigalinta ah waxaa ka soo qayb galay  qaar ka mid ah Haween ku dhaqan magaalada Zürich ee dalka Switzerland ayaa sidoo kale waxaa kulankaas laga soo qayb galiyey Caruur badan oo Soomaali ah, si ay ula socdaan ama ay u fahmaan micnaha gudniinta fircooniga ah, waxaana halkaas lagu daawaday Filim ka sheekeynaya waxyeelada  gudniinka fircooniga ah uu u leeyahay hablaha yaryar ee Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa kaloo Kulankaas Caruurta ku madadaalinaysay Caasha Kulmiye Guuleed oo ka mid ahayd fanaantii Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada Berisamaadkii dalkeena Nabadda ahayd.
Sidoo kale waxaa barnaamijkaas ka soo qayb galay Al-fannaan Jooqle Shire Jaamac oo ka tirsan kooxda Qayla-dhaan ee ka dhisan dalka Britain, gaar ahaa magaalda London, Fannaan Jooqle Shire Jaamac oo haatna ku sugun dalkan Switzerland, gaar ahaan kanton Zürich, wuxuuna kulankaas ka qaaday Heeso Wadani ah.
Ugu danbeyntii waxaa halkaas si wadajir ah ugu wada Casheeyey dadkii ka soo qayb galay Kulankaas, waxayna Xafladda Kulankaas ay ku dhamaatay  Jawi aad u wanaagsan.
SomaliSwiss   Zürich
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.