Advertisements

Iska hor imaad xoogan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacayo.!!!

Halkaan ka akhri

Warar Saakay naga soo gaaray magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in Shan ruux ay ku geeriyootay tira kalena ay ku dhaawacmeen kadib Iska hor imaad hubeysan uu xalay ku dhex maray ciidammada ammaanka Galmudug iyo kooxo Hubeysan koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Iska hor imaadkan ayaa yimid  iyadoo ciidammada ammaanka Galmudug ay howlgallo ka wadeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo, dhanka kale  waxaa lagu soo warramayaa in Dadkii ku dhaawacmay iska hor imaadkaas loola cararay Isbitaalka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug si halkaas loogu daaweeyo.

Si kasta ha ahaatee ilaa haatan mar jiraan cid ka hadashay dhacdadaasi khasaaraha dhalisay oo ka tirsan maamulka Puntland iyo maamulka Galmudug.

SomaliSwiss    Gaalkacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: