Advertisements

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya oo shalay Duqeymo u geystay nawaaxiga tuulada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose

Halkaan ka akhri

Diyaaradaha dagaalka qumaatiga ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay shalay duqeeyeen bar ay ku suganaayeen malleeshiyaad iyo horjooggayaal Al-Shabaab ka tirsan oo ku taalla deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida ay ku soo warrameen dadka deegaanka inDuqeyntii shalay ka dhacday deegaanka Kudhaa ay fuliyeen diyaaraddo nuuca helicopter-ka ah waxaa duqeyntaas si gaar ah loola bar-tilmaameystay bar ay ku Taba baranayeen malleeshiyaad Shabaab ka tirsan, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare aad u culus.

Hase yeeshee warar laga helaayo deegaanka Kudhaa ayaa sheegaya in dhawaacyo culus ay soo gaareen horjoogayaal Al-Shabaab muhiim u ah,  sidoo kalena goobta la duqeeyay  ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii la Taba barayay.

Qof  ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku waramay, in uu arkay gaadiid dagaal ee ay lahaayeen Xarakada  Al-Shabaab oo lagu gubay Tuulada Kudhaa iyo dhaawacyada malleeshiyaad badan, wuxuu intaa raaciyay in diyaaraddaha ay Gantaalo ku rideen saldhigyo  ku yaalla Tuulada Kudhaa ee ay Shabaabku ku badnaayeen.

Sidoo dadka deegaanka ayaa sheegaya in goobahii shalay la duqeeyey  ay kooxda Shabaab ka k qaadanayaan goobtaas, maadaama ay duqeymaha  yihiin kuwa soo laab laabtay.

SomaliSwiss    Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: