Advertisements

Switzerland: Dad qaxooti-doon ah oo loo diiday in ay soo dhaafaan Albaabka Xarada Diiwaangelinta.

HOOS KA DAQAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Dalka Switzerland  ayaa waxaa mararka qaakood ka dhaca in la takooro dadka qaxooti-doonka ah  ama ay waayaan xuquud Aadannimo ee yimaada Swisska, balse Mas’uuliyiinta Xerooyinka diiwaan-gelinta Qaxooti, w axay ku candacoodaan boos la’aan jirta awgeed.

Haddaba iyadoo lagu jiro waqtiga Qaboobaha,laguna jiro Feestooyinka Masiixiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaan in qaar ka mid ah Xerooyinka Diiwaangelita dadka qaxooti-doonka ayaa loo laabay albaabada si ay u soo gelin dadka qaxooti-doonka ah.

Xero ku taasha magaalada Basel ee dalkan Switzerland  ayaa la sheegay in  dorraat ay ka dhacday in  dad  qaxooti ee ay tiradoodu gaarayso ilaa 20 qof  oo doonayeen inay gudaha  u gelaanXeradaas  loo diiday , halkaas oo ku haleelay qabood oo aad u daran, ayna u dheer tahay Gaajo iyo Jiif la’aan iyo daryeel kaleba, sidaas waxaa soo waryey  Telefeeshanada dalkan Switzerland.

Ma ahan oo  keliya magaalada Basel  in lagu dhibaateeyo dadka qaxooti-doonka ah ee waxaa kaloo la mid ah magaalooyin ku yaalo Kantoonada Vaud  iyo  Ticino oo meelaha lagu xereeyo dadkaas ay tahay meel aan ku habooneyn in qof bani’aadan ah ku noolaado.

Si kasta arrinta ha u dhacdee waxaa Xildhibaanada Barlamaanka dalkan switzerland ay ka codsadeen Dowladda federaalka inay tallaabo cad ka qaadaan arrintan, sidoo kale  Guddiga  la socodka arrimaha qaxootiga Swisska ayaa dowladda ka codsaday inay tixgeliyaan xaaladaha Kantoonada ee la xiriira codsiyada kaga imaanaya dadka qaxooti-doonka ah.

Ugu danbeyntii Guddiga  la socodka arrimaha qaxootiga Swisska ayaa dowladda u caddeeyey in diidmada codsiga dadka qaxooti-doonka ah ay tahay mid ka hor imaanayo sharciga Dastuuriga ah qodobkiisa 80aad ee u dhigayo qawaaniinta qaxootiga dalkan Switzerland, sidaas darteed dowladda federaalka Swisska waxaa khasab ku ah in dadkaas ay siiso qaxooti bani’aadannimo ah.

SomaliSwiss     Swissinfo   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: