Shirkii wadatashiga oo shalay la isku mari-waayey, balse maanta la filaya inuu ka soo baxo Warmurtiyeed loo dhan yahay.

Halkaan ka akhri

Shirka wadatashiga Soomaaliya ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyey magaalada Garoowe, iyadoo la isku mari-waayey qodobo ka mid ah Warmurtiyeedkii laga soo saaray Shirkaasi.

Shir uu ka soconayey magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal mudo 3-maalmood ah ayna ka qeyb galeen Madax ka socota dowladda KMG Soomaaliyam Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna Waljamaaca, beesha Caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu dhawaaqay galinkii dambe ee shalay in lasoo gabagabeeyay Shirkaasi.

Sidoo kale Shirka wadatashiga ayaa looga hadlayey qaybya qoraalka dastuurka, hase yeeshee  ka qeyb galayaasha Shirka waxa ay isku maandhaafsan yihiin habka soo xulida barlamanka Soomaaliya ee degmooyinka dalka iyadoo laga tixraacayo sanadii 1960 markii ay Xurnimada qaadatay Soomaaliya oo xubanaha barlamanka laga soo xulayey degmooyinka dalka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxda ka qeybgaleysay Shirkani ayaa la sheegay in ay leeyihiin Shirar gaar gaar ah oo ay doonayaan in ay dib u eegis ku sameeyaan qodobada la isku mari la’yahay oo ay ka mid tahay habka loo soo xulayo Xildhibaanada barlamanka  hase ahaatee Madaxda ayaa isku raacay meel marinta qodobka wax qeybsiga ee 4.5 oo ay ku dhisan tahay dowladda KMG kaasi oo ka mid ahaa qodobada muranka dhaliyay.

Si kasta ha ahaatee waxaa Maanta lagu wadaa in madaxda ka qeybgashay Shirka Wadatashiga ay soo saaraan Warmurtiyeedka Shirka kuna dhawaaqaan marka uu u dhamaado kulmada gaar gaarka ah oo ay leeyihiin.

SomaliSwiss   Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: