Dowladda Turkiga oo kashiftay xasuuqii Fransiiska ay ka geysteen wadanka Algeria iyo cilaaqaadkooda oo xumaaday.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

ENGLISH HALKAN KA AKHRI: Turkey retaliates after France passes genocide bill on Armenia by claiming French ‘burned Algerians in ovens’

Diyaarahada militeriga Faransiiska ayaa laga mamnuucay in ay Turkiga ku dagaan, waxeyna dowladda Turkiga u yeertay safiirkeeda (Tahsin Burcuoglu) ka joogay wadanla France.

Dowladda Turkiga ayaa meel sare gaarsiisay khilaafka ka dhex taagnaa dhawaan labada dal kaddib markii dowladda Turkiga ay shaaca ka qaaday xasuuqii ay Faransiiska ka geysteen waqooyiga Africa, iyadoo taasi kaga jawaabeysay eedeyntii wadanka Faransiiska usoo jeediyay ee aheyd in Turkiga uu xasuuqay shacab Armenian ah.

Ra’isal wasaaraha Turkiga Tayyip Edogan ayaa ku eedeeyay Faransiiska inay foornooyin ku gubeen Algeriyiinta xilligii ay gumeysanayeen dalkaas.

Wuxuuna u sheegay madaxweyne Sarkozy in uu weydiiyo wasiir arima dibadeedkiisa hore Aabihiis gabood falkii ay  geysteen faransiiska 1940-kii ilaa iyo 1950-kii.

Eedeyntan ayaa ka dambeysay go’aankii mudanayaasha Faransiiska ku gaareen 24 saac ka hor in ay tahay dambi aan la dafiri karin xasuuqii loo geystay Armeniyiinta, isla markaana ay gestyeen Osmaniyiintii Turkida sanadkii 1915-kii.

Khilaafkan ka dhex bilowday Faransiiska iyo wadankii ahmiyadda ganacsi ay ka wada dhexeysay ee Turkiga, ayaa u muuqda mid meel fog sii gaaraya.

Faransiiska ayaa xoog ku galay wadanka Algeria sanadii 1830-kii waxayna gumeysanayeen 132 sanadood.

Mr. Erdogan ayaa sheegay in 1945-tii ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka Algeria ay xasuuqeen Faransiiska.

“waxay ahaayeen shuhado si aan naxariis laheyn loogu gubay foornooyin, waxaa uu faransiiska geystay waxay ahaayeen xasuuq” ayuu yiri Tahsin Burcuoglu oo dadka toos ugala hadlayay TV-ga.

“Haduusan Mr Sarkozy ogeyn xasuuqaasi, ha weydiiyo Aabihiis, Pal Sarkozy.”

Upon Algerian independence in 1962, France and its former colony could look back at an armed conflic

Aabihiis ayaa ka soo shaqeeyay Algeria 1940-kii. Waan hubaa inuu wax badan ka ogyahay xasuuqii Faransiiska ay ka geysteen Algeria una sheegi karo wiilkiisa.

 Mr Sarkozy Aabihiis ayaa ku tilmaamay hadalkaas wax lagu qoslo isagoo u sheegay TV Faransiiska inuusan waligiis tegin Algeria wuxuuna sheegay inuu afar bil oo kaliya ka mid ahaa ciidmada Foreigan Legion.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku tilmaamay hadalka Turkiga mid laga badbadiyay isagoo sidoo kale sheegay in ay jiraan sababo badan oo xiriirka iyo is aaminka labada dal ay tahay inuu jiro.

Baarlamaanka Faransiiska ayaa cod aqlabiyad ah ku taageeray khamiistii inay sharci daro tahay in la dafiro xasuuqii loo geystay Armeniyiinta.

Inkastoo ay ka soo wareegyay ku dhawaad qarni dhimashadii bartamihii dagaalkii kowaad ee Adduunka, hadana badi dadka Turkiga waxay u arkaan xasuuqaas mid aflagaado ku ah dalkooda.

Turkiga waxay sheegeen  in dagaalkii Armeeniyiinta uu ahaa mid labada dhinac ahaa

Mr Erdogan ayaa dhaleecaayay go’aanka faransiiska waxa kaddib markii la codeeyay isagoo wadahadlo ugu yeeray ergaygiisa ka joogay farance, waxa uuna joojiyay kulamdii ganacsi, siyaasad iyo miligeriba.

XASUUQII LOO GAYSTAY ALGERIA

1830-kii ayuu Faransiiska qabsaday wadanka Algeria, isagoo ka geystay dagaal fool xun, wuxuuna boobay kheyraadkii dabiiciga ahaa ee dalkaas uu lahaa.

Mid kamid ah dhacdooyinkii ay Faransiiska ka geysteen Algeria ayaa waxaa ka mid ahaa in dad rayid ah ay ku xireen god weyn oo foorno ah dabna qabadsiiyeen albaabka godka, taas oo dadkii rayidka ahaa ku qasabtay in ay ku dhintaan qiiqa ama dabii ay ku dhex jiireen, xasuuqaas oo lala meeldhigo kii Israa’iil uu u geystay Hitlerkii Jarmalka.

30 sano oo uu Faransiiska gomeysanayay wadanka Algeria ayaa dalkaas waxaa ku dhintay 2.3 million, iyagoo ka hor intuusan qabsan Faransiiska ahaa 4 million.

Faransiiska weligiis ma uusan sheegi jirin amaba ma uusan aqbali jirin inuu gumaad ka geystay Algeria. Dadka ku dhintay waxaa lagu qiyaasay inta u dhexeysa shan boqol oo kun ilaa hal milion iyo bar.

HALKAN KA AKHRI: Turkey retaliates after France passes genocide bill on Armenia by claiming French ‘burned Algerians in ovens’

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: