Shirkii wadatashiga Soomaalida ee ka socday magaalada Garoowe oo maantiisa sedexaad galay.

Halkaan ka akhri

Shirka wadatashiga oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa maantiisa sedexaad galay waxaana halkaasi oo ay isugu tageen Mas’uuliyiin fara badan oo heer Caalami ah.

Sida la sheegay in maanta shirka uu ka duwanaan doono labadii maalin ee lasoo dhaafay, waxaana maalintii shalay dhinacyada shirkaasi ka qeyb galay ay sameeyeen labo guddi oo loo xil saaray Dastuur u sameynta dalka Soomaaliya iyo dib u habayn lagu sameeyo barlamanka KMG Soomaaliya.

Sidoo kale xarunta Shirka ee Magaalada Garoowe ayaa saakay lasoo warinayaa in dhinacyada ay halkaasi ay ku xadirsan yihiin lamana oga waxyaabaha maanta ay ku lafagurayaan kulankoodii sedexaad maadaamna uu ka duwanaan doono sidii uu u dhacayay maalmihii hore.

wararka aan ka heleyno saaka Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada ammaanka ee Puntland ay gacanta ku dhigeen ilaa dhowr ruux oo la sheegay inay wadeen qorshayaal lagu weerarayo Xarunta shirka wadatashiga uu ka socda ee Garoowe.

SomaliSwiss      Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: