Advertisements

Shaqaale katirsan WFP oo lagu laayay Matabaan.

Halkaan ka akhri

Nin hubeysan oo ka mid ahaa dadka deegaanka Matabaan ayaa maanta barqadi dilay sadex nin oo laba ka mid ah ay ahaayeen kormeerayaal ka socday Hey’ada WFP.

Ragan la laayey ayaa u tagay halkaasi sidii ay u qiimeyn lahaayeen raashin mucaawino ah oo laga qeybinayey kaamam barakac oo ku yaala degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

Ninka gacan ku dhiiglaha ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Xaashi Canshuur ayaa ahaa horjgaha mid kamid ah kaamamka raashinka laga qeybinayey lamana oga sababta ka dambeysay dilka wuxuushnimada ah ee uu kula dhaqaaqay Ninankan.

Sadexda ruux ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muxyidiin Macalin Yaroow iyo Maxamed Salaad oo ka tirsanaa WFP iyo C/llaahi Cali Cabdi oo ahaa mas’uul ka tirsanaa hey’ad NGO maxali ah oo iskaashi la leh WFP.

Maamulka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel ayaa marki dambe ku guuleystay xariga gacan ku dhiiglaha, waxaana uu hada ku xiran yahay saldhiga degmada Guriceel.

Meydka labada nin ee ka tirsaneyd WFP ayaa loo qaaday degmada Guriceel, halka marxuumka kale ee la yiraahdo C/laahi Cabdi loo qaaday deegaanka Kalabeyr.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee lagu qaado shaqaale samafal ee ka dhaca gobolada dhexe sanadkan 2011.

SomaliSwiss Matabaan

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: