Halkaan ka akhri
Fannaanka weyn ee Soomaaliyeed Ustaad Axmed Naaji Sacad ayaa muddo 21 sano ah kadib maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ah Fannaan, Mulaxan, Musikiste, iyo Abwaan ayaa duhurnimadii maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib 21 sano oo uu dalka ka maqnaa.
Axmed Naaji oo ka mid ah faanaaniinta Soomaaliyeed ee xilligan nool kuwooda ugu da’da weyn ayaa hadana lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay horomarinta fanka Soomaaliyeed.
Waxaana sidoo kale uu sameeyay muddadii uu dalka ka maqanaa heeso farabadan oo wadani ah oo uu ku muujinayay sida uu uga xunyahay dhibaatada dalka ka dhacday kuna baraarujinayay ummadda Soomaaliyeed.
Fanaanka Axmed Naaji Sacad ayaa la filayaa mudada uu joogo Muqdisho in la kulmo fanaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.