Shirka wada tashiga Soomaalida oo wejigiisa labaad maanta ka furmay magaalada Garoowe.

Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka furmay shirka wada tashiga wejigiisa labaad, waxaana haatan ku sugan magaalada Garowe madax ka tirsan Dowladda KMG ah, wufuud caalami ah iyo ergo ka socota qeybaha Soomaalida.

Sida lagu soo warramay goobta uu shirka ka dhacayo ayaa saakay waxaa ka socota qabanqaabadii u dambeysay, waxaana magaalada Garowe ku sii qulqulaya wufuud iyo ergo ka kala socda beesha caalamka kuwaasi oo iyagu la filayo inay saacadaha soo socda ka degaan magaalada Garowe.

Madaxweyne  Sheikh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo xubno kale oo  ka tirsan Dowladda ayaa ka mid ah xubnaha ka muuqday madasha Shirka, inkasta shirkaasi ay ka horjeesteen dhinacyada Ahlu Sunna iyo maamul goboleedyada qaarkood.

 Si kasta ha ahaatee waxaa lagu  wadaa in shirkan laga soo saaro go’aano la mid kuwii laga soo saaray wejigii hore ee shirka wada tashiga Road Mapka, hase yeeshee waxaa weli jira caqabado hortaagan geedi socodka shirkaasi, bacdamaa aanay ka qeyb galeynin ururro iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida.

Dhinaca kale Wakiilka SomaliSwiss uga soo hadla Gobolka Banaadira ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ay soo dhoweyay shirka wada tashiga ah ee maanta ka furmay magaalada Garowe.

Qaar ka mid ah shacbiga ku nool Muqdisho oo la hadlayey SomaliSwiss ayaa uga warramay aragtidooda ku aadan shirka wada tashiga ah iyagoo sheegay in  shirkaasi ay u arkaan guul islamarkaana  wax lagu farxo  uu yahay madaama lagu qabanayo qeybo ka mid ah dalka.

Shacbiga ku nool Muqdisho ayaa ugu baqay dhamaan maxada ka qeyb galeysa shirkaasi in ay muhiimada saraan midnimada Soomaaliya iyagoona rajo wanaagsan ka muujiyay in uu shirkaasi ka soobixidoono qodobo wax ku ool ah si looga gudbo marxalaadda KMG ah.

Dareenka ay ka muujiyeen shacabka Soomaaliyeed shirka wada tashiga ah ayaa waxa uu imaanayaa xili uu maanta ka furmay magaalada Garowe  ee xarunta maamul goboledka Soomaaliyeed ee Puntland shirka wada tashiga ah wijigiisa labaad, kaas oo looga hadlaayo qoddobo ay ka mid yihiin Dhameystirka datuurka dalka, Ammaanka,  Dowladda wanaaga iyo Dib u habeynta Baarlamanka.

SomaliSwiss        Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: