Midowga Africa iyo Jaamacadda carabta oo ka wada hadlay xal u helidda arrimaha dalka Somalia.

Halkaan ka akhri

Kulan xasaasi ah oo magalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ay ku yeesheen madaxda ururada midowga Africa iyo Jaamacada carabta ayaa looga arinsaday marxaladaha haatan ay ku jiraan dalalka Somaliya, Sudaan iyo Liibiya.

kulanka oo uu gudomoominayay Gudoomiyaha golaha amniga iyo nabada ururka midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa waxaa baaq ka jeediyay qaar ka mida madaxda ururada Midowga Africa iyo Jaamacda carabta.

Madasha Kulankaas ayaa  waxaa ka hadlay Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacada carabta Samiir Alkhasaari oo ka warbixiyay dadaalada Jaamacada carabtu ay ugu jirto xal u helida xasiloonidarida ka taagan wadanka Somaliya ayaa sheegay in dhankooda ay wadaan qorsheyaal wax looga qabanayo dhibaatada amindarada iyo sii socoshada gargaarka baniaadanimo ee la gaarsiinayo dadka abaaraha iyo colaada ay isku biirsadeen.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacada carabta Dr Samiir ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay san indhaha kala laaban waxa ka dhacay wadanka Somaliya, isagoo farta ku fiiqay dagaalada ay wadaan jabhada hubeysan ee Alshabab in ay dhaawaceyso hanaanka xalu u raadinta arinta Somaliya ee sii fogaaneysa.

Gudoomiyaha ururka Midowga Africa.Mr. Jen Ben oo isna madasha ka hadlay aya cadeeyay in dowlada KMG ay mudan tahay in ay gudato waajibaadkeeda kaga aadan soo celinta amniga iyo kala dambeynta dowladnimo.

Ugu danbeyntii wuxuu Mr. Jen Ben ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dadaalada beesha caalamka dowlada iyo AMISOM ba ay ugu jiraan sdii dalku u dagi lahaa islamarkaana loo soo afjari lahaa colaada 20 jirsatay ee ka oogan wadanka Somaliya.

SomaliSwiss       Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: