Kulan markale ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamanka oo manta kusoo dhamaaday dagaal iyo gacan ka hadal.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Xildhibaanadi dhawaan xilka ka qaaday gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan ayaa markale isku raacay in aysan ka laaban doonin xil ka qaadista ay ku sameeyeen, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulankii maanta oo uu shir gudoominayey Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa u ekaa kulanki todobaadki hore ee xildhibaanadii taageersanaa Shariif Xasan xoog looga saaray howlka Baarlamanka.

Buuq iyo dagaal gacan ka hadal ah ayaa hareeyey markii ay is qabsadeen xildhibaanada dhexdooda ee kala taageersan Shariif Xasan iyo qaarkii xilka ka tuuray, waxaana ku dhaawacmay halkaasi xildhibaan Sheikh Shaacir oo ah nin oday ah kaasi oo uu madaxa dhaawac kasoo gaaray.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka oo si lama filaan ah uga soo qeybgalay kulanka ayaa sheegay in uu sharci ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyey Shariif Xasan Sheikh Aadan, haatanna uu yahay oo kaliya mudane ka tirsan Baarlamanka.

Xildhibaanada ayaa fursad u helay in ay galaan oo ay fadhiga maanta si nabad ah ugu qabsadaan Guriga Umada kadib marki saakay ay is hor taageen ciidamada Booliska dowlada, iyadoo markii danbana waxaa u fasaxay Baarlamanka ciidamada AMISOM.

Gabagabadi kulanka ayey mudanayaasha isku raaceen in sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo gudi kasoo shaqeeyo doorashada gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka.

Dhawaan ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya waxaa lagu amray in xildhibaanada ay tix galiyaan heshiiskii Kampala, isla markaana ay dajiyaan xaalada dibna u amba qaadaan howlahooda.

Heshiiskii lagu soo gaaray magaalada Kambala ee wadanka Uganda, isla markaana laga saxiixay xildhibaanada Baarlamanka ayaa sheegayay in aan sadexda masuul uu ugu sareysa dowladda laga keeni karin Mooshin xilka looga qaadayo, mudo halsano ah, hadana mooshinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo horay looga saxiiday xildhibaanada heshiiskii Kambala.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: