Dowladda Kenya oo shegatay duqayntii qasaaraha badnayd ee loo gaystay deeganka Howsingow.

Halkaan ka akhri

Kadib duqeyn shalay galinkii dambe ka dhacday deegaanka Howsingow ee ka tirsan gobalka J/hoose ayaa waxaa maantay arintaas ka hadlay saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya.

Emmanuel ChirChir oo  ah afhayeenka ciidamada milataarka dowlada Kenya ayaa waxaa uu sheegay in iyagu ay ka dambeeyeen duqaymahaasi.

Waxaa uu tilmaamay in duqeyntaas ay ku dileen ilaa 18 dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo ahaa gudoomiyii deegaankaasi ee maalulka Al-Shabaab sida uu yiri.

“Weerarkaasi waxaa ka dambeeyey diyaaradaheena dagaalka, waxaan ku dilnay 18-dagaalyaan mid ka mid ah waxa uu ahaa Sarkaal sare,  waxaa inaga go’an in aan sii wadno baacsiga iyo duqeymaha dhanka cirka ah oo aan ku heyno Al-Shabaab” ayuu yiri  Emmanuel Chirchir.

Waxaa uu xusay in ay sii wadi doonaan baacsiga ay ku hayaa alshabaab iyo weerarada dhinaca circa ah ee ay fulinayaan diyaaradahooda dagaalka.

Dowlada Kenya ayaa tan iyo markii ay gudaha gashay soomaliya waxaa ay fulisay weraro dhinaca cirka kuwaas oo wax yeelo ay ka soo gaartay inta badan dad rayid ah oo ku dhaqan deegaanada ay duqeeyeen diyaaradaha Kenya.

Shalay ayay ahayd markii diyaarado ay gantaalo ku garaaceen deegaan Howsingow oo ku taala xuduudaha ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya isla markaana ay ku dhinteen dad gaaraya 11 ruux tiro kale 27 ahna ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen. Kismaayo24

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: