Degmada Dharkenley oo la sheegay in xalay uu dagaal Culus ku dhaxmaray Ciidamada Dowlada, Amisom iyo Al-shabaab.

Halkaan ka akhri

Degmada Dharkenley ayaa la sheegayaa in habeenkii xalay ahayd uu dagaal ku dhaxmaray Ciidamada Dowlada, Amisom iyo Alshabaab, kuwaasi oo dagaalo ku dhufow oo  ka dhaqaaq ah oo habeen kasta ku dhaxmaro qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Haddaba dagaalkii xalay oo ahaaa mid saacado socday isla markaasna dhinacyada dagaalada ay isu adeegsadeen hub culus ayaa la sheegay in dhawaaqa rasaasta laga maqalayey xaafadaha fog-fog iyo kuwa ku hareersan goobta dagaalka ka socday ee magaalada Muqdisho waxaana lagu soo warramay in  dad badan  ay hurdada ka tooseen.

Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo ah Gudoomiyaha degmada Dharkeenlay ee dowladda KMG Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay dagaalkii xalay, isagoo tilmaamay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhawaa goobta uu dagaalka ka dhacay.

Sidoo kale Macalin Cabdulle ayaa tilmaamay in dagaalkaani uu socday in muddo ah, wuxuuna xusay in Ciidamadii Al-Shabaab ee dagaalka soo qaaday uu gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyuhu  wuxuu intaasi ku daray in Al Shabaab ay weerarka kasoo qaadeen deegaanka Cali-janaale oo ka tirsan degmadaasi, wuxuuna shaaca ka qaaday in markii hore ay kasoo weerar tageen deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka ururka alshabaab oo ku aadan dagaalada xoogan ee habeenki xalay kadhacay qeybo kamid ah degmada Dharkeynley.

Si kadta ha ahaatee waxaa aad u yar khasaaraha ka soo gaaray dadka shacabka ah dagaaladii xalay dhacay bacdama ay aheyd goobihii la isku farasaarany goobo ay ku yar yihiin qoysaska degan, hasa yeeshe dagaaladani ayaa ah kuwa habeen walba ka dhaca qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana dagaaladan loogu magac daray kudhufow kadhaqaaq.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Google
Google Maps
WikipediA
Twitter
%d bloggers like this: