Cutubyadii ugu horeeyay Mileteriga dalka Jabuuti oo hadda ka degaya garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayay goor dhow ka soo degeen, cutubkii ugu horeeyay ee ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo ka mid noqon doona, nabad ilaaliye-yaasha Amisom, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG Soomaaliya oo haatan qaban qaabo soo dhaweyn ah ka wada Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu wadaa in goordhow ay ka soo degaan diyaarado ay saaran yihiin cutubyo kale oo gaaraya illaa 1,000 askari oo ka socda militariga Jabuuti kuwaasoo dhowaan loo soo xiray tababar la xiriira hawlaha nabad ilaalineed ee Soomaaliya.

Hadda waxaa Garoonka caalamiga ee Muqdisho ka socda munaasabad lagu soo dhawaynayo askarta reer Jabuuti, iyadoo ay garoonka ku sugan yihiin saraakiisha ciidamada DKMG, taliyaasha ciidamada AMISOM, guutada baambeyda ee ciidanka Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada.

Waxaa goordhow isaguna garoonka ka soo degey raysul wasaare C/weli Gaas oo ka soo laabtay Nairobi, waxaana lagu wadaa in raysul wasaaruhu ka qeybgalo soo dhoweynta ciidamada Jabuuti oo ku biiri doona kuwa AMISOM ee difaacaya DKMG ah.

Gudaha garoonka waxaa lagu diyaariyey ciidamada salaanta bixiya, waxaana meel kasta laga taagay calanka Jamhuuriyada Jabuuti iyo kan Soomaaliya oo is dhinac yaala.

Ciidamada Jabuuti ayaa markii ay soo dhamays tirmaan tirada ciidamada AMISOM ka dhigaya 11,000 askari, iyadoo Jabuutina ay noqoneyso dalkii saddexaad ee ciidamo keena Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: