Advertisements

Beesha Caalamka oo si wadajir ah Warmurtiyadeed uga soo saaray qilaafka hareeyey Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Nairobi si wada jir ah Warmurityeed uga soo saareen wafdigi ka kala socday, Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ee kal hore magaalada Muqdisho booqasho ku tageen, si ay wax uga ogaadaan xaqiiqada qilaafka hareeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida la sheegay intii  ay Wafdigan booqashada ku joogeen magaalda Muqdisho waxey kulamo gaar gaar ah lakala qaateen dhinacyada uu quseeyay qilaafka hareeyay baarlamaanka iyadoo gaba gabadiina magaalada Nairobi kasoo saaray war-murtiyeed ay udhan yihiin.

Warmurtiyeedka ka soo baxay Wafdigaas ayaa waxaa lagu yiri: “Waxaan ka codsaneynaa hogaanka Hay’adda Faderalka KMG ah, barlamanka iyo dadka daneenaya arrimaha Soomaaliya in arintaan ay xakameeyaan si looga fogaado taalaabooyin kale oo arintan sii xumeeyn kara”.

Wufuudan caalamiga ah oo ka koobnaa kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Christian Manahel, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Abuubakar Diyara iyo Kipruto Arap kirwa oo ka socda Urur Goboleedka IGAD ayaa la kulmay sabtidii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuwaasi oo ay ka la hadleen xalladda jirta.

Sidoo kale Warmurtiyeedkaan kasoo baxay Xafiiska Siyaasada QM ee UNPOS ayaa lagu sheegay in beesha caalamku ay aad uga walaacsan tahay mashaakilka siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya, iyadoo laga baqdin qabo in arrintaani ay saameyn weyn ku yeelato hergalinta Qariiradda Nabadda ee dib loogu soo celinayo Soomaliya.

Dhanka kale Warsaxaafadeenka wuxuu ku boorinayaa Hay’adaha dowladda KMG ah, in ay ilaa liyaan heshiiskii Kampala ee dhaxmaray Shariif Xasan iyo Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheikh Axmed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: