Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Sheikh Shariif oo si farxad leh loogu soo dhaweeyey mag. Garowe.

Halkaan ka akhri

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin farabadan iyo dadweynaha Puntland oo halkaasi ka sameynayey Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo heeso ammaan ah oo lagu soo dhawaynayay wafdiga uu hoggaaminayey Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay soo dhaweynta dad weynaha reer Puntland, isagoo tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan loo baahanyahay inay ka shaqeeyaan ammaanka.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinka Madaxweynaha Soomaaliya ee Magaalada Garoowe oo uu sheegay inay si aad ah ugu soo dhawaynayaan.

 Weriyaha Somaliswiss oo uga soo warrama Maamula Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Ammaanka Magaalada Garoowe ay si aad ah loo adkeeyay, waxaana guud ahaan Xaafadaha Magaaladaasi la daadiyay Ciidamo suga ammaanka Mas’uuliyiinta ka dagaysay halkaasi oo ka qeyb qaadanaya shirka wadatashiga Qaramada Midoobay ee la filayo in uu biri ka furmo Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

SomaliSwiss  Garoowe

 SomaliSwiss@hotmal.com

%d bloggers like this: