HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Shir Sanadeedkii Jaalliyada Reer Hiiraan &Midland ay yeelan jireen Sanad Walba Wadanka Switzerland ayaa Taariikhdu markey aheyd 17. 12. 2011 Ka dhacay Magaalada Geneva Ee Wadanka Switzerland.
Kulankan oo Sanad kasta Xiliyadan dhaca, ayaa waxaa  ka Soo qeyb Galay dhammaan bulshada Reer Hiiraan & Midland, gaar ahaan Beelweynta Gaaljecel oo ku kala nool Gobollada kala duwan ee Wadanka Switzerland.
 Shirkan oo sandla ah ayaa sida caadiga ah waxaa looga hadlaa Arrimaha markaas taagan kuwa qorsheysan in la qabto sandka soo socda iyo wixii soo qabsoomay Sanadkii hore shirka 2011 oo ay ka soo qeyb galeen Dhalinyaro Odayaal iyo Haween ayaa ku dhacay Jawi farxadeed is faham aad u Sareeya, waxaana shirkaas lagu furmay Aayadaha Qur,aanka kariimka ah.
Kadibna guddigii howsha waday labadii sano ee la soo dhaafay ayaa laga Dhageystay warbixino Guddaha iyo dibada ah kuwaasoo ay ku faah faahiyeen waxyaabihii qabsoomay Sanadkan dhamaadka ah Ee 2011 kaasoo ay u badnaayeen Kaalintii Xooganeyd ee ay Jaalliyada ka Qaadatay gargaarkii Abaaraha iyo oonka ee ka dhacay gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyadoona Ay guddiga Jaaliyada Soo bandhigeen Gargaaro la gaarsiiyay Goboladda min Hiiraan ilaa Jubbada Hoose kuwaasoo goobta  Lagu soo bandhigay Dokumentiyo Sawiro iyo tirada deeqdii gaartay meel walba
Intaas kadib waxaa La guda galay Ajendaha shirka Sanadkan oo u badnaa in la weydiiyo ka soo qeyb Galayaasha Shirka wixii Fekrado Cusub oo ay ku biirinayaan qaabka ay howsha ku soo socotay, taasoo looga hadlay saraaxad iyo is dhageysi leh, waxaana la isku raacay in ay howsha ku socotay Si aad u wanaagsan oo ah sidii loogu tala-galay
Marka laga reebo qodobo dhowr ah oo lagu siyaadiyay Sanadkan Cusub iyadoona Si weyn loo amaanay
Xubnihii shirkan Marti geliyay ee Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Kanton Geneva intaas kadibna waxaa bilowday Doorashada Gudiga Cusub
Gudiga Cusub oo la wareegay doono Hogaaminta Labada Sano ee Soo Socota, iyadoona isla goobta ay Gudigii hore Ku wareejiyeen Xilkii iyo Dokomentooyin la xiriira Xisaab Lacageed iyo warbixinnadii howshii la qaban lahaa Sanadka Cusub ee 2012.
Ugu dambeynatii waxaa lagu heshiiyay in Sanadka Soo Socda uu Shirka ka dhaco Magaalada Zurich ee Wadanka Switzerland Taariikhdu markay tahay 01.07.2012 Hadii Alle Idmo.
Guddiga Cusub ee la doortay waxay kala ahaayeen Sida hoos ku qoran:
- Nuur Nuunow Cabdi Guddoomiyaha Jaaliyadda Reer Hiiraan
- Maxamad X Xuseen Axmad M. Deeq), G. Ku-xigeen
- Xasan Cabdi Ganey – Xubin
- Maxamad Cismaan Camey – Xubin
- C/fataax Maxamad Salaad – Xubin
- Xabiibo Cabdi Cali  Guddoomiyaha Haweenka Jaaliyadda
- Maryan Axmad Cusmaan – Ku-Xigeen
SomaaliSwiss Zürich
Filed under: Geneva Swiss |
You must be logged in to post a comment.