Xoogagga Al-Shabaab oo soo bandhigay Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen ciidamada Kenya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Xoogaga Al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamo badan oo Afrikan ah ayaa xilligan dagaal xooggan kula jirta dawlada Kenya oo iyadu ku dhawaaqday in ay dagaal ku qaadayso xoogagga Al-Shabaab oo ay u aragto khatarta keliya ee hor taagan.

Ciidamada Al-Shabaab iyo kuwa Kenya ayaa dagaalo kulul waxaa ay ku dhex mareen deegaanada Jubbooyinka, kuwaas oo mar waliba labada dhinac sheegan jiray in midba midka kale ay siweyn u jebisey, laakiin xoogagga Al-Shabaab ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal oo laga qabsaday ciidamada Kenya.

Soo bandhigida hubkan ayaa dhabar jab ku noqon doonta dawladda Kenya oo iyadu muddo yar u qabatay in ay ku qabsan doonto dhammaan koonfurta Soomaaliya.

Dagaal faraha looga gubtay ayaa muddooyinkan dhex marayay labada kooxood ee dagaaladu u dhaxeeyaan, waxaanad moodaa in ciidamada Kenya 2-bil iyo 30 ay soo dhaafi la’ yihiin xuduuddooda, taana waxaa la dhihi karaa in ay cabsi ka soo wajahday xoogagga iyagu kasoo horjeeda ee Al-Shabaab.

Hubkan oo la sheegay in laga qabsaday guutada guur guurta ayaa muujineyso in taliskooda xataa lala wareegay sida ku cad sawirada, waxaana xaalka uu noqday mid wel wel iyo cabsi leh, iyadoo ciidamada Kenya ay ku hanjabeen in ay duqayn doonaan magaalooyinka ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: