Allaha u naxariistee Wariye C/Salaan Sheikh Xassan Xiis oo Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Allaha u naxariistee Warihii Telefishinka Horn Caple TV ee magaaladda Muqdisho C/Salaan Sheikh Xasan Xiis, ayaa waxaa lagu toogtay meel aan ka fogeyn Hotelka Madiina ee xaafada Xamar Jajab.

Nin hubeysan oo ku labisan tuutaha ciidanka dowladda KMG Soomaaliya oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn cida uu ka tirsan yahay ayaa madaxa ka toogtay Wariye C/Salaan oo horeyna uga soo shaqeeyay Idaacadda Banaadir oo ka mid ah Idaacadaha waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale maamulka Telefishinka Horn Caple TV ayaa goor dhaw xaqiijiyay in uu geeriyooday Allaha u naxariistee Wariyihii uga soo warami jiray magaaladda Muqdisho.

Dilka wariyaha ayaan la-ogeyn cidda dhabta ah ee ka dambeysa, isla-markaana majirto illaa iyo hada hid sheegatay, inkastoo ay dhowaan kooxda Al-Shabaab ku dhawaaqday in ay toogasho ku xukuntay wariyeyaal dhowaan ka qeyb galay shir Muqdisho kadhacay.

Dhinaca kale dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sameyn doonto Baaritaan dhameystiran iyo sababihii loo dilay Wariye C/Salaan Sh. Xasan Xiis oo uu saldhigiisu ahaa magaalada Muqdisho.

Dhammaan Bahda SomaliSwiss Radio and Website waxaa ay tacsi u direysaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Wariye C/Salaal Sheikh Xasan Xiis.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: