Madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya oo Warsaxaafaded ka soo saaray Khilafka Barlamanka.

Halkaan ka akhri

December 18, 2011      War Saxaafadeed

Madaxda dowladda KMG Soomaaliyeed ayagoo tixgelinaya marxaladda dalku marayo, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni. Waxay wadatashi la sameeyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka iyo Beesha caalamka ayagoo tixgelinaya;

a)    Axdiga KMG Soomaliyeed oo saldhig u ah shuruucda dalka

b)    Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo

c)    Taabagelinta Roadmap-ka

Kadib, markii shaki laga muujiyey:

  1. Qaabkii loo maray kulminta Baarlamanka iyo
  2. Tirada u codaysay motion-ka

Sidaas awgeed, Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ayagoo ixtiraamaya madaxbanaanida

Baarlamanka waxay soo jeedinayaan:

a)    In Baarlamanku Shaqeeyo bilaabana kulamdiisa joogtda ahaa si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah

b)    In la tixgeliyo Marxaladda xasaasiga ah Dalku marayo

c)    In la raaco sharuucda Baarlamanka iyo xeer hoosaadyada

d)    In la dhowro heshiikii Kampala (Kampala Accord)

e)    In la dhowro Axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed

Dhammaad

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: