Xulka Gabdhaha Kubadda Kolayga Qaranka oo ka hadlay dareenkooda ciyaarta u harsan iyo sababihii keenay in Lubnaan iyo Masar ka badiyaan.

WARBIXIN FAAH FAAHSAN

Halkaan ka akhri

Xulka Gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliyeed, ee ku sugan dalka Qadar oo ay ka socdaan Ciyaaraha wadamada Carabta ee 2011, waxay Soomaaliya u soo hooyeen Magac, haybad, Sharaf iyo muuqaal wanaagsan oo aysan Soomaalidu hore u helin tan iyo markii uu dhacay qaran burburkii Soomaaliya 1991.

Xulkaan oo group-ka ay ku jiraan uu ka koobnaa 6 waddan waxay ilaa iyo hadda ciyaareen 4 wareeg oo ay laba badiyeen, halka laba kalena laga badiyay, waxaana u harsan hal ciyaar oo loo ballan sanyahay Isniinta soo socota 19-ka bishaan.

Ciyaartii Gabdhuhu shalay ciyaareen ayaa aad uga yaabisay dadkii garoonka ku sugnaa iyo kuwii daawanayay, iyadoo arriinta ugu mucjisada badan ay ahayd in goolsha badankood ay ka dhalinayeen meel aad uga fog goosha, waxaana la rajaynayaa in haddii ay isniinta ka badiyaan xulka dalka Urdun ay ku guulaysan doonaan 3-da abaal marinood ee ugu saresa midkood.

Xulka Gabdhaheenna ayaa shalay ka badiyay, xulka dalka Kuwait, waxay hore uga soo badiyeen xulka dalka Qatar, hase yeeshee waxaa iyagana ka badiyay, xulka dalka Lubnaan oo la sheego inay yihiin kooxda ugu awoodda badan ciyaaraha wadamada carabta, taas oo xulka Soomaalidu u muuqday ay aad isaga difaaceen iyagoo diidayay in looga badiyo dhibco aad u tiro badan.
Sidoo kale waxaa ka badiyay xulka Dalka Masar, waxayna ahayd maalintii ugu horeysay ee Xulka Soomaaliya uu galo garoon ee kuwada ciyaaro, maadaama kooxdu ay ka kooban tahay laba qaybood, kuwa gudaha dalka ka yimid iyo kuwo dibadaha ka tegay si ay kor ugu qaadaan magaca iyo muuqaalka dalkooda.

Ciyaartii ugu horeysay ee ay la ciyaareen dalka Masar, waxaa looga badiyay xulka Soomaaliya 90-24 oo ay Masar ku badisay, hase yeeshee taasi maniyad jebin gabdhaha Soomaaliyeed.

Markii ciyaartaasi dhamaatay, waxay garoonka ka abxeen iyagoo aad u faraxsan oo aysan ka muqan wax niyad jab ah, waxayna sheegeen inay hore uga dheregsanaayeen in laga abdinayo oo ay aad u yartahay rajada ah inay maalintaas guulaystaan, maadaama ay ahayd markii ugu horeysay xulka gabdhaha Soomaaliya inta garoon wada galaan ay u wada ciyaaraan sidii koox.

“Waxay noo ahayd ciyaartaasi mid aan isku baranaynay, maadaama aana hore u wada ciyarin, waxayna noo noqotay waayo aragnimo aan aad uga faa’iidaysannay oo aan isku fahamnay” ayay tiri Manal Cali oo ka mid ah gabdhaha xulka qaranka Soomaaliya.  

Ciyaartu aad ayay noogu cuslayd, sababtoo ah kooxdeennu weli uma wada ciyaarin sidii hal team oo isku koox ah, waxaan isku nimid xilligaas waqti u dhow, laakiin markii loo fiiriyo koox aan is aqoonin oo hadana la ciyaaraysay team isla socday, waan dadaalnay” ayay tiri Manaal.

Khatra Mahdi oo ka mid ah xulka Gabdhaha soomaaliyeed ee ka ciyaaraya dalka Qatar ayaa iyaduna sheegtay in muhiimadda ugu weyn ee iyada iyo xulka gabdhaha Soomaaliyeed ay lahaayeen ay ahayd in ay caalamka tusiyaan, in xulka gabdhaha Soomaaliyeed oo ka yimid waddan dagaallo la degeen ay ciyaari karaan Basket ball.

Mariam A Hussein oo iyaduna ka mid ah xulka qarankeena ayaa tiri “waxay noo tahay Sharaf weyn inaan metelno dalkeenna, waxaan doonaynaa inaan bedelno muuqaalka caalamku ka haysto dalka Soomaaliya”. “Waxaan aad ugu han waynnahay inaan badin doonno ciyarta soo socota” ayay sii raacisay hadalkeeda.
Xulka dalka Lubnaan oo ah team aad u dhisan, isla markaasna ugu adag wadamada Carabta ayay Xulka Soomaalidu ku dadaaleen inay aad u yareeyaan dhibcaha looga badinayo soomaalida, taas oo lagu celceliyay 87-38, hase yeeshee xulka Lubnaan waxay Kuwait uga badiyeen 108-28, taas oo aad u muujinaysa in xulka gabdhaha Soomaalidu aad u adkaayeen, isla markaana dadaaleen.

Gabdhaha xulka kubadda kolayga Soomaaliyeed oo shalay galabta guushii labaad ka helay tartanka cayaaraha jaamacadda carabta ka dib markii ay dalka Kuwait ugu awood sheegteen 66-47, cayaar aad u xiisa badnayd, oo lasheegay inay ahayd ciyaartii loogu daawashada badnaa ciyaarihii halkaas ka dhacay, iyadoo xulka Soomaalidu noqdo, kuwa ugu taageerayaasha badnaa garoonka, ilaa iyo waqtigii la ciyaarayay.

Xulka Soomaalida waxaa aad niyadda ugu dhisay taageerayaal Soomaaliyeed oo aad u fara badan kuwaas oo shalay garoonka soo buux dhaafiyay, una sacab tumayey xulka si ay u dhiirigeliyaan gabdhahan da’yarta ah waxaana ay taasi ka dhigtay xulka gabdahah soomaliyeed,  xulka ugu taageerada badan tartankan inta uu socday, waxaana amaantaasi iska leh, shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, caasimaddiisa Doha sida uu ku waramay guddoomiye ku xigeenka GOS Duraan Axmed Faarax oo ka hadlay ciyaartii shalay.

Xulka gabdhaha soomaaliyeed oo isugu jira kuwa ka yimid dalka gudihiisa iyo qaar ayaguna ka tagay qurbaha si ay ugu hiiliyaan dalkooda ayaa waxa ay guushani u noqonaysaa mid ku sii durkisa hanashada bilad ka mid ah saddexda biladood ee lagu guulaysanayo ayadoo haddii xulka soomaaliyeed ay guul ka helaan halka kulan ee noo haray Isniinta soo socota ayna uga hortagi doonaan xulka gabdhaha dalka Joordan ay suuragal wayn tahay in aan ugu yaraan helno biladda maarta ah.

SomaliSwiss waxay aad ugu hambalayaynaysaa Gabdhaheenna Kubadda Kolayga, Macallimintooda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qatar, waxaan sidoo kale ka codsanaynaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay dhiiri geliyaan xulka gabdhaha oo intii ay Qatar ku sugnaayeen Soomaaliya u sameeyay muraayad aad u qurux badan. waxaan leennahay gabdhaheenna aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, farxad darteed waad naga oysiiseen, haddii aad ciyaarta isniinta badisaan iyo haddii kaleba waad guulaysateen, mahadsanidiin mar kale.

W/D. Mohamed Saadaq
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: