Kulan ay albaabada u xiran yihiin oo Laba Shariif xalay kudhex maray madaxtooyada Villa Somaliya.

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay kulan albaabada u xiran yahay ku yeeshay xaruunta madaxtooyada Villa Soomaaliya madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan.

Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid labada mas’uul ay si khaas ah u qaateen, isla markaana looga hadlayay qilaafka soo kala dhex galay Baarlamanka iyo waliba xil ka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii hore ee Baarlamanka oo dhawaan ay xilka ka tuureen qaar ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka xili uu dalka dibada kaga maqnaa.

Wararku waxey tilmaamayaan in ilaa iyo iminka uusan wax hadal ah ka soo bxin kulankii ay xalay saacado badan ku qaateen gudaha madaxtooyada hase ahaatee warar hoose ayaa sheegaya in aysan jirin xal laga gaaray qilaafka ba’an ee ka dhex jira mudanayaasha Baarlamaanka iyo xilka qaadista Shariif Xasan.

Dadka falaqeynta ku sameeya siyaasada dalka Soomaaliya ayaa saadaalinaya in xaalku uu nqon doono mid is qab qabsi gaara maadaama siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan aqoon waxa la yiraahdo Tanaasul Shariif Xasan isna uu ku dhaganaan doono in uu yahay gudoomiyahay Baarlamanka halka qaar mas’uuliyiin ka tirsan Baarlamanka ay qabaan in uu xiligiisii dhamaaday.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xalinta qilaafkaan ay soo kala dhex galayaan dowladaha ciidamadu  ka joogaan dalka Soomaaliya iyo Waliba Qaramada Midoobey iyadona laga eegi doono dhinaca sharciga.

Wararka Iminka laga helayo ilo ku dhow dhow Xaruunat madaxtooyada ayaa sheegaya in Wafuud ka socota Qaramada Midobey iyo caalamka kale ay kus o wajahanyihiin Magaalada Muqdisho, isla markaana ay u imaanayaan xalinta qilaafka ka dhex oogan Baarlamaanka.

Lama oga waxa uu xalku noqon doon waxaana laga war sugayaa halka ay isugu biyo shubato iyo sida ugu wanaagsan ee lagu maslixi doono Shariif Xasan oo haatan loo aqoonsanyahay in uu yahay Gudoomiyihii Bari hore ee Baarlamanka Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: