Abaanduulaha ciidamada Jabuuti oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho, lana kulmay madaxda sare ee dowladda.

Halkaan ka akhri

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Abaan-duulaha ciidamad Jabuuti Jeneral Sakariye Sheikh Ibraahim, waxaana Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Janaral C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Abaan-duulaha Ciidamada dowladda Jabuuti ayaa waxaa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, kaasoo ay uga wada hadleen ciidamaad Jabuuti ee dhwaantaan ku soo wajahan magaalada Muqdisho iyo qaabka ugu haboon ee loo keenayo ciidamadaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Jabuuti dadaalka ay ugu jirto sidii ay u caawin laheyd walaalaheeda dalka Soomaaliya oo uu sheegay in aysan gudi karin abaalka weyn ee ay u galeen dowladda iyo Shacabka Jabuuti.

Jeneral Sakariye Sheikh Ibraahim ayaa waxaa uu gogol xaar u yahay imaanshiyaha ciidamada Jabuuti oo la filayo in ay dhawaan soo gaaraan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Jabuuti oo ah dowladda sida weyn u jecel in nabad ay ka dhalato dalka Soomaaliya oo muddo dheer ku soo jiray dhibaatooyin kala duwan, waxaana Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedba ay u hayaan walaalahooda Jabuuti Abaal lama iloobaan ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: