Gabdhaha Kubadda Koleyga Qaranka Soomaaliya oo la ciyaaray Xulka gabdhaha dalka Lubnaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Daawo Video-ga goolashii ugu wanaagsanaa ee ay xulka kubada Kolayga Soomaaliya ka dhaliyeen kooxaha Kuwait iyo Qadar. December 16, 2011

DAAWO SAWIRADA Xulka Gabdhaha Kubadda Koleyga Soomaaliya oo markale guul kasoo hooyay xulka Kuwait. December 16, 2011

DAAWO SAWIRADA Gabdhaha Kubadda Koleyga Soomaaliya oo guul farxad leh ka kasoo hoyay kuwa dalka Qadar. December 14, 2011

December 16, 2011 – Gabdhaha xulka Kubadda Koleyga dalkeena Soomaaliya ayaa Galabta la ciyaaray Tartan Kubadda Koleyga ee dalalka Carabta Gabdhaha dalka Lubnaan  iyadoo Ciyaartaasina aysan wax guul ah ka gaarin Gabdhaha dalkeena Soomaaliya.

Ciyaarta Galabta dhex martay Ciyaartoyda Gabdhaha Kubadda Kolegya dalkeena Soomaaliya iyo Gabdhaba dalka Lubnaan ayaa ahayd mid la wada sugayay, waxayna Ciyaarta ku billaabatay dar dar Xooggan.

Gabdhaha Kubadda Koleyga  dalkeena Soomaaliya ayaa garoonka la soo galay fir fircooni, iyagoo muujiyay dadaal ballaaran, taasi oo ay la wada riyaaqeen dhammaam dadka Soomaaliyeed ee Ciyaartaasi daawanayay.

Si kastaba ha ahaatee Ciyaarta Galabta oo xiisa gaar ah lahayd ayaa waxa ay ku soo idlaatay 38 Jeesto oo ay la yimaadeen Gabdhaha Xulka Kubadda Kolegya Soomaaliya, halka Gabdhaha dalka Lubnaan ay la yimaadeen 87 Jeesto, iyadoo sidaasi ay guusha ku raacday Gabdhaha Kubadda Koleyga dalka Lubnaan.

Gabdhaha Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa Ciyaartii hore guul ka soo gaaray kullan xiisa badan oo ay la Ciyaareen dalka marti galinayo Tartanka Kubadda Koleyga ee wadamada Carabta ee Qatar, oo ay ku garaaceen illaa 67 Jeesto, halka Gabdhaha dalka Qatar ay la yimaadeen 57 Jeesto.

Gabdhaha Xulka Qaranka dalkeena ayaa waxaa u harsan Saddex Ciyaarood oo ay laba ka mid ah la Ciyaari doonaan dalalka Jordan iyo Tunisia, waxaana la rajeynayaa in Ciyaarahaasi ay ka gaari doonaan guullo wax ku owl ah. Radio Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: