SHARIIF SAKIIN: Baarlamaanku xil igama qaadi karo, waxay ku xadgudbayaan heshiiskii Kampala ee Baarlamaanku ansixiyay.

Halkaan ka akhri

Shariif xasan Sheikh Adan oo wareysi uu la yeeshay telefishinka UNIVERSAL isagoo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sheegay in xilka qaadista ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanku uusan ahayn mid sharci ah, isla markaana aan xil laga qaadi karin.

Waxa uu xusay in heshiiskii Kampala ee baarlamaanku ansixiyay uu dhigayo inaan mowshin laga keeni karin saddexda masuul ee dowladda ugu sareysa, iyadoo baarlamaankuna ansixiyay, sidaasi darteed aysan ansax ahayn xilka qaadistaas, Soomaalida iyo caalamkuna aysan aqbali doonin.

Wuxuu xusay in xildhibanada sidaas sameeyay ee xilka kaqaaday ay diidan yihiin in hore loo socdo oo la sameeyo dib u habayn ama la hirgeliyo heshiiskii geedi socodka nabadda Kampala ee road map-ka.

Wuxuu xusay inaysan xilka qaadista lagu dhawaaqay iyo arrimaha ay fulinayaan qaar ka mid ah baarlamaanku aysan ahayn wax la aqbali karo ama soconaya, sidaasi darteed aysan jirin meel ay ka gedmayaan.

Hore ayay Xildhibaanada diidanaa mowshinka Shariif Sakiin laga keenay ee lagu casilay u sheegeen, in wixii ka dambeeyay ansixintii heshiiskii Kampala aysan imaan karin wax mowshin ah oo ka dhan ah 3-da masuul ee dowladda ugu sareysa cidii ku dhaqaaqdana ay ishalmaan siinayso heshiiskii Kampala.

SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: