Maxaa Iska beddeli doona dalkan Switzerland Sanadka soo socdo ee 2012ka?

Halkaan ka akhri

Sanadka soo socdo ee 2012, ayaa la filayaa in dalkaan Switzerland uu iska baddelo dhinacyo badan waxaana ka mid ah:

–    Xaga Caafimaadka oo la sheegay in dadka Tagaya spitalada lagu soo rogayo sharciyo cusub,tusaale ahaan waxaa kordhaya lacagta  qofka ceymiska caafimaadka bixinaya (selber behalt) iyo in aan qofka uusan ku raagin doonin Spitalka in kabadan sadex beri.

–    Waxaa kaloo sanadka cusub wax iska badelayaan dhaqaalaha la siinayo dadka heeysta sharciga (F)  ee degan Gobalka Zürich oo loo kordhin doono dhamaadka bisha Marz, inskastoo laga yaabo in degmooyinka qaar
ee dhaqalaha bilaawan Dhamaadka Januar.

balse waxaa la socda  bixinta dhaqaalaha la siiyo dadka Qaxootiga in lala galo heshiis waxbarsho ama mid (Arbeit integrasion) oo hadii uu ka soo baxo qofkaas howshii loo diray la siin doona bilwalba
dhaqaalaha loogu tala galay,hadii uusan ka qeyb-qadan waxaa lagu heshiiyayna waxaa la gooynaya dhaqaalaha lasiiyo.

–    Sidoo kale waxaa wax laga bedelayaa in dadka ka soo qaxa dalkooda oo dalbada qaxootinimda aan loo aqoonsan dadka dalalkooda ciidanka ka soo horjeesto sida (Ereteriyanka) aan loo aqoonsan Qaxootinimo.

–    Dhanka kale wax iska bedelaya in qof aan heysan sharci, uusan guursan karin Qof heeysta Dhalashada Swiiska, balse ay dhici karto in maxkamad ay go’aan ku gaarto ansaxa guurka labada qof is jecel, iyadoo maxkamadu ay u fiirinayso dhinacyo badan.

Haddaba Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed ee dalkan Switzerland waxay dad Soomaliyeed ee yimid dalkaan ku wargelinayaan in wada shaqeeyn muujiyaan maadama dalkooda ay uga soo Tageen Colaad in ay dadka Soo dhaweeyay tusaan dhaqanka wanaagsan ee ay Soomalidu lahaan jirtay Berisamaadkii.

SomaliSwiss    Gobdon & Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: