Halkaan ka akhri
Barlamaanka dalka Switzerland oo dhinac u riixay Weerarka Siyaasadeed ee Axsaabta Midigta.
Waxaa la go’doomiyey Siyaasadda hororka ah ee Xisbiga Midowga Demqradiyadda Dhexe ee Wadanka Switzerland oo suurta-gal noqon weyday inay dib u hanashada kursiga labaad ee golaha hoggaaminta Dowladda.
Aqlabiyadda Golaha Barlamaanka ayaa waxay isla garteen isla markaasna ay farta ku fiiqaan Musharaxa cusub oo ka tirsan Xisbiga Socilistaha ah, Alain Berset.
Xisbiga Midowga Demoqraadiyada Dhexe ayaa u hanweynaa inuu mar uun gacan bir ah ku qabto talada dalka Switzerland, balse tani waxay Xisbigan u keentay ka jab iyo burbur ka dhasha gudaha Xisbiga Midowga Demoqraadiyada Dhexe ee Swisska ee uu hoggaaminayo Christoph Blocher.
Haddaba si uu u gaaro Xisbiga Midowga Demoqraadiyada Dhexe ee Swisska himilidiisa Siyaasadeed, wuxuu ku qasaban yahay inuu siyaasadiisa uu wax ka beddelo, isla markaasna uu baadi-goobo sidii uu u heli lahaa Isbaheysi Cusub.
Sida u dhacday Doorashada Golaha Sare ee dalökan Switzerland waa sidatan:
Doris Leuthard oo ah Xisbiga (PPD) heshay cod dhan 216Â
•Eveline Widmer-Schlumpf oo ah Xisbiga (PBD), heshayna Cod dhan 131
•Ueli Maurer, oo ah Xisbiga (UDC), helayna Cod dhan159,
•Didier Burkhalter oo ah Xisbiga (PLR) helayna Cod dhan194,
•Simonetta Sommaruga  (PS) 179,
•Johann Schneider-Ammann oo ah Xisbig(PLR) 159
•Alain Berset oo ka tirsan Xisbiga (PS) 114,
Si kasta ha ahaatee waxaa Madaxweyne loo doortay Sanadka 2012 Haweynayda la yiraahda Eveline Widmer-Schlumpf  oo heshay Cod dhan 174.
Sidoo kale waxaa Madaxweyne ku-xigeen loo doortay Ueli Maurer oo helay 122 Cod
SomaliSwiss Swissinfo Zürich
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.