Halkaan ka akhri
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay  Ban Ki Moon oo shir gudoominayay kulan ay golaha amaanka QM ku yeesheen magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa intiisa badan waxaa loogu hadlay  xaalada wadanka somaliya.
 Kulanka oo furay Ban Ki Moon ayaa golaha amaanka xubnaha ka tirsan uga warbixiyay safarkii uu ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada Wadanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kulamo uu  la qaatay madaxda dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Ban Ki Moon ayaa sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir ay intiisa badan gacanta ku hayaan ciidamada dowlada oo garab ka helaya kuwa Ciidamada Amisom, taasoo uu sheegay inay ku timid cadaadis xoogan oo kaga yimid ciidamada dowlada iyo kuwa Midowga afrika AMISOM.
Ban Ki Moon wuxuu timaamay in loo baahan yahay in la kordhiyo taageerada la siinayo ciidamada amisom ee haatan garab milatari la garab taagan ciidamada dowlada Soomaaliya isgoona sheegay in howl galka muqdisho laga sii wadi doono loona gudbi doono gobolada qaar.
Dhanka kale Ban Ki Moon ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo taageerada la siinayo ciidamada amisom ee ku sugan Muqdisho.
SomaliSwiss New York
Filed under: New York |
You must be logged in to post a comment.