Gabdhaha Kubadda Koleyga Soomaaliya oo guul farxad leh ka kasoo hoyay kuwa dalka Qadar.

HOOS KA DAAWO SAWIYO & VIDEO

Halkaan ka akhri

دخول الوفدالصومالي بأفتتاح دورة العرب في قطر

LA NABXANII RUQMAL ASAAS

LA NASHTAKII SANASTAMIR

SAYANTAHII KHILAAFUNAA

SOMALI WA AFTAKHIR

ACDAA’UNAA LAM YUFLIXU

YAA SALAAM – – YAA SALAAM

Somali national women’s basketball team – Qatar

Somali vs Kuwait Traditional Music

Xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah gaaray galabta, kaddib markii uu ka adkaaday xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Qadar oo ay ku kulmeen cayaar ka tirsanayd tartanka dalalka Jaamacadda Carabta.

Cayaarta oo ka dhacday magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Soomaaliya waxay guushu ku raacday 67 dhibcood, halka Qadar ay ka keensatay 57 dhibcood.

Cumar Cabduqaadir Baarajab oo ka tirsan mas’uuliyiinta hoggaaminaysa cyaartoyda ayaa warbaahinta u sheegay inay cayaartoyda gabdhaha Soomaaliya muujiyeen dedaal dheeri ah, isagoo rajo ka muujiyay inay cayaaraha xigana guul u soo hoyaan qaranka.

Soomaaliya ayaa ka qeyb galaysa tartamo isugu jira cayaaraha fudud, cayaarta shataranjiga iyo kubbadda koleyga oo ka dhacaya dalka Qadar.

Kulankii ugu horreeyay ee ay cayaareen xulka qaranka gabdhaha kubbadda koleyga Soomaaliya oo ay la yeesheen xulka Masar ayaa looga adkaaday 86 dhibcood iyo 26 dhibcood.

SomaliSwiss Doha

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: