Qasnadda Dowladda KMG Soomaaliya oo ay ku soo dhacday Lacag fara badan oo loogu deeqay.

Halkaan ka akhri

Qasnadda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayay ku soo dhacday lacag gaareysa $6 Malyuun oo Doollar, Sida ay xaqiijiyeen diplomaasiyiin soomaaliyeed iyo ilo wareedyo ku dhow wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Lacagtaan oo ay dalka Soomaaliya ugu deeqday dowladda Ciraaq ayaa loogu tala galay in lagu caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya.

Lacagtaan oo la soo marsiiyay Jaamacadda Carabta ayuu Diblomaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Qaahira sheegay in wasiirka Maliyada Dr. C/naasir Maxamed Cabdulle  iyo Wsiirka Arimaha Dibada dibadda DKMG Maxamed Xaaji Cali   ay toddobaadkii hore tageen magaalada Qaahira iyagoo kulan la qaatay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayna kala hadleen in lacagtaasi lagu soo wareejiyo DKMG Soomaaliya.

“Cadnaan Khudeyf oo dhinaca maaliyadda ugu qaabilsan Jaamacadda Carabta iyo Danjire Samiir Xusni oo ka tirsan golaha ammaanka guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si toos lacagtaasi ugu xawilay dowladda Soomaaliya”, sidaasi waxaa sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ee Soomaaliya u fahiya xarunta Jaamacadda Carabta C/laahi Xasan Maxamuud.

Deeqdaas Lacageed ayaa sida ilo wareedyadu sheegayaan waxaa lagu soo shubay Akoon xisaabeed Bangi oo ku yaalla Dubai iyadoo magaca wasiirka maaliyadda Dr. C/naasir Maxamed Cabdulle lagu socodsiiyey.

Markii laga soo tago, in lacagtaan loogu tala galay dadka abaaruhu saameeyeen ayay hadana jiraan dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin in Ciidamda DKMG aan  mudo 5 bilood ah la siin mushahaarkoodii, sababo ku gudban dhaqaalihii laga heli jiray wadamada adduunka oo aan ladhiibin.

Sidoo kale lacagtaan ayaa kusoo aadaysa xilli uu magaalada Muqdisho ka jiro qalaanqal siyaasadeed iyo is qilaaf madaxda sare ee dowladda KMG ah, kaas oo hadda maraya meel kulul oo aan la qiyaasi karin sida xaalkeedu noqon doono, iyadoo khilaafkaasi la sheegayo inuu u dhexeeyo Labada Shariif oo xildhibaanno kala taageersan ay qolana mowshin waddo, halka kuwa kalena difaacayaan.

SomaliSwiss Muqdisho.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: