QANYARE: Kuwa doonaya in ay Shariif Xasan ridaan, waa kuwii shalay u codeeyay heshiiskii Kampala, Ma is ilaaween?

DHEGAYSO HADALKIISA

Halkaan ka akhri

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka ayaa ka horjeestay mooshin ay keeneen qaar ka mid ah mudanayaasha barlamaanka kaasi oo ka dhan ah gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maxamed Qanyare ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen mudanayaal taageersan afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan ayaa sheegay inay khalad tahay in wax mooshin ah la keeno iyadoo la ansixiyey heshiiskii Kampala ee ay keeneen madaxweyne Shariif Axmed iyo Shariif Xasan.

“Waxaa la yiri Kampala Accord [heshiiskii Kampala] ka bacdi mooshin lama keeni karo sharcigaan cusub intee laga keenay.  Anigu waaba iska seexday, gurigeygaan iska seexday mar haddiiba la yiri mooshin lama keeni karo” ayuu xildhibaan Qanyare.

HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKIISA

Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan sharaf ku jirin in la isflagaadeeyo oo warbaahinta la iska dhaliilo.  Wuxuuna ka hor yimid xildhibaano dhowaan ku dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen gudoomiyaha barlamaanka.

Mar uu ka hadlay arinta narxalada KMG ee ayaa waxaa uu sheegay in habraaca ay keentay UNPOS ee loo yaqaano “roadmap-ka” inay heyso xukuumadda iyadana laga rabo in ay hor keento barlamaanka.

“Ninka aan ognahay meesha laga soo diray iyo cida soo diray iyo xisaabta lagu soo diray iyo saacadii la soo diray anaga beledkaan noogama dhuuman karo” ayuu ku goodiyey Qanayare.

Maxamed Qanyare ayaa sheegay in haddii ay jiraan xildhibaano mooshin wada ay sugaan illaa laga gaaro bisha August ee 2012, inta ka horeysana aysan jiri karin wax mooshin ah.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: