Kooxda Al-Shabaab oo soo bandhigtay liiska qaar ka mid ah asakrti Burundi ee ay ku dileen Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta soo saaray liiska iyo aqoonsiyada 10 ka  mid ah ciidamada Burundi ee ay ku dileen dagaaladi ay kula galeen bishi hore degmada Dayniile.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in kadib codsi kaga yimid qoysaska reer Budundi ee ay wiilashooda ka joogaan Soomaaliya ay ogolaadeen in ay soo saaraan liiska askarta ay hayaan aqoonsiyadooda ee ku dhintay dagaaladi ka dhacay Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamada Burundi ay ku guul dareysteen in ay kala xaqiijiyaan askarta ka dhimatay ayey qaar ka mid ah qoysaska reer Budundi lasoo xiriireen Al-Shabaab iyaga oo ka codsaday in ay u kala cadeeyaan hadii ay dhinteen iyo hadii kale askarta la la,yahay warkooda iyo wacaalka oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab oo codsiga qoysaskaasi u dhashay Burundi ka jawaabaya ay soo saareen magacyada, garaadaha, waxa gaarka u ah, waqtiga dhalashada, magaalada iyo gobolka ay ku dhasheen, mabarada askarta, nooca dhiigooda iyo diinta uu askari kasto rumeysnaa.

Al-Shabaab oo hada soo saartay liiska 10 ka mid ah askarta Burundi ee lagu dilay Soomaaliya, ayaa albaabada u balaqday qoysaska kale ee shakiga uga jiro ama ay askar kaga maqanyihiin Soomaaliya si ay u kala ogaadaan in ay dhinteen ama in ay noolyihiin wiilashooda, waxaana ay waqti kama danbeys ah u qabteen 20-ka bisha December ee aan ku guda jirno.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: