Gudoomiye kuxigeenka koobaad oo Sharci darro ku tilmaamay go’aanka Xildhibaanadii xilka ka qaaday Shariif Sakiin.

Halkaan ka akhri

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii ay Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood maanta ku gaareen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay xilkii kaga qaadeen Gudoomiyiha Baarlamaanka.

Mudane C/weli Ibraahim Muudeey gudoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo gelinkii dambe ee maanta shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in go’aanka kasoo baxay xildhibaanada maanta ku shiray magaalada Muqdisho uu yahay mid aanay sharciga baarlamaanka u degsan waafaqsaneyn.

“xildhibaanadii maanta tagay golaha shacabka waxay ku xad gudbeen axdigii dalka u yaalay iyo xeer hoosaadkii baarlamaanka lagu maamulayey intaba waayo xarunta golaha shacabka ayadoo aanay gudoon joogin cid xaq u leh iney furto ma jirto talaabada ay maanta xildhibaanadaasi qaadeenna shirka ugu horeeyo ee baarlamaanku yeesho ayaa lagu xisaabtamayaa” ayuu yiri Mudane C/weli Ibraahim Muudeey.

Warkan kasoo baxay gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa imaanaya xili maanta xildhibaanno tiradoodu gaareyso 280 mudane ay kulan ku yeesheen xarunta golaha shacabka ku dhawaaqeen inay gudoomiyihii Baarlamaanka xilka ka qaadeen islamarkaana ay gudoon cusub doorteen.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: