Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre oo sheegay in aysan u dulqaadan doonin hay’adaha dowladda in ay ku xad-gudbaan Axdiga Qaranka.

Halkaan ka akhri

Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha kala duwan ee dowladda aan laga aqbali doonin hadii ay ku kacaan wax sharciga ka baxsan sida dhaqaalle lunsi iyo wixii lamid ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre Ceydiid Ilka-Xanaf oo galabta shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha kala duwan ee dowladda laga doonayo in ay dhowraan sharciga isla markaana aysan u adeegsan shacbiga ay u adeegayaan wax sharciga ka baxsan.

Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa tilmaamay in iskaashatada gaadiidka Dekedda Muqdisho ay Maxkamadda usoo gudbiyeen dacwad ku aadan in gudaha Dekedda ay Wasaaradda Dekedaha kaga qaado lacago taasi oo kol hore loo qorsheeyey dadka barakacayaasha ah ee magaalada muqdisho kusoo barakacay, balse hada ay Maxkamaddu go’aamineyso in lacagahaasi qaadidooda la joojiyo maadaama wakhtigii loo qoondeeyey uu ku ekaa bishii Octobar ee lasoo dhaafay.

Hadalkan kasoo baxay gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ayaa kusoo beegmaya, xili ay dhowaan Maxkamadda Sarre xukun ku riday Laba ruux oo horey xilal uga hayey dowladda Soomaaliya, isla markaana lagu eedeeyey in ay ku kaceen waxyaabo ka baxsan sharciga dalka u degsan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: