Xasan Takar: Soomaalida degan Kenya waa Gaalo

Halkaan ka akhri

Wadaadka lagu magacaabo Xasan Takar oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa Muxaadaro uu xalay ka jeediyay deegaanka Ceelasha biyaha waxaa uu ku sheegay in Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ay yihiin kuwa ka baxay diinta Islaamka.

Xasan Takar ayaa sheegay inaan loo baahnayn in dadka Soomaalida ay taageeraan dowladda Kenya, isagoo intaa ku daray in ay muujiyeen taageero xooggan oo ay siinayaan dowladda Kenya si ay ugu soo duusho dalka Soomaaliya.

Xasan Takar ayaa waxa uu sidoo kale si kulu ugu jawaabay eedeyn kulul oo horey uu ugu soo jeediyay mid ka mid ah Culumada Soomaaliyeed oo lagu Magaaco Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ku aadanayd in Xasan Takar iyo culumadii taageersanayd Shabaab ee shirka ku qaatay Baydhabo ay baneystayn dhiiga Ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Takar wuxuu sheegay in Culumada ka soo horjeeda ay ahaayeen markii hore Muslimiin, balse haatan ay noqdeyn kuwa iyaga la saftay Gaalada ayna la galayaan dagaal.

“Culumada naga soo horjeeda waxay markii hore ay ahaayeen Muslimiin, balse ay noqdeen kuwo iyaga la saftay Gaalada, waana dhamaatay walaaltinadii Islaamka” ayuu yiri Xasan Takar.

Dhinaca kale ninka lagu magacaabo Xasan Takar ayaa isagu markii hore ka yimid Deegaanada Puntland, wuxuuna bilaabay Cadaawada uu Culimada Islaamka qaarkood uu u qabo iyadoo uu sidoo kale u muuqdo nin galay booskii uu horay Shabaabka ugu jiray Fu’aad Shongole.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: