Teaterka iyo wadooyinka ku xeeran oo lanadiifiyay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Olole ballaaran oo ay iska kaashadeen maamulka iyo dadweynaha ku dhaqan degmada Wardhiigley iyo ururka dhallinyarada Midowga dhallinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa maanta ka dhacay barxadda weyn iyo gudaha Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Ololahaan oo ay iska kaashadeen dadweynaha iyo ururka UYS ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd sidii dib loogu nadiifin lahaa xarunta Tiyaatarka iyo agagaarkeeda si mar kale ay u soo muuqato bilicdii uu lahaa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana ololahani uu ahaa mid si weyn loo soo abaabulay isla markaana ay horseed ka ahayd Guddoomiyaha Degmada Degmada Wardhiigley Deeqa C/qaadir Axmed.

Mudadii uu socday ololahaasi ayaa waxaa halkaasi soo gaaray Taliyaha guutada koowaad ee madaxtooyada Qaranka C/llaahi Cali Caanood, Guddoomiyaha Ururka dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho Jawaahir Baarqab iyo Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ka mid ah mas’uuliyiinta hobolada Qaranka Waaberi.

Hadal ay halkaasi ka jeedisay Guddoomiyaha degmada Wardhiigley ayaa sheegtay in ololahani uu yahay mid ay iska kaashadeen dadweynaha ku dhaqan degmada Wardhiigley iyo ururka UYS, waxayna sheegtay in ujeedadu tahay sidii degmada Wardhiigley goobaha muhiimka ah ee ku yaala dib loogu bilicdooda loogana nadiifin lahaa qashinka si ay u muuqato bilicdii lagu yaqiin, waxayna ammaan iyo bogaadin u jeedisay xubnihii ka qeyb gelayay ololahaasi nadaafadeed ee maanta sida habsamida leh uga socday xarunta Tiyaatarka iyo hareeraheeda.

Taliyaha guutada koowaad ee madaxtooyada Cabdullaahi Cali Caanood oo isna ka hadlay ololahaasi nadaafadeed ayaa sheegay in xoogga dalka Soomaaliyeed ay si weyn u soo dhoweynayaan isla markaasna ay mar walba horseed ka ahaayeen wax kasta ee lagu horumarinaayo Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in difaaca Qaranka ka sokow xoogga dalka Soomaaliyeed ay horseed ka yihiin howl kasta ee bulshada Soomaaliyeed ay gacanta ku heyso, haday noqon lahayd xag difaac, xag nadaafad iyo xag horumarineed.

Abwaan Cabdi DHuux Yuusuf oo isna ka hadlay halkaas ayaa si weyn u soo dhoweeyay ololahaan lagu nadiifinayo tiyaatarkii Qaranka, wuxuuna xusay in mar walba loo baahan yahay in shacbiga Soomaaliyeed ay iska kaashadaan sidii Qarankooda ay dib ugu dhisan lahaayeen goobihii ka burburayna ay dib ugu dhisan lahaayeen, hobalada Qarankana ay ku faraxsan yihiin in mar kale ay ku kulmaan Tiyaatarkii Qaranka si ay howlahoodii wacyi gelinta ahayd ee lagu yaqiin ay dib ugu soo noolaadaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: