Xisbiga SVP oo ah kan ugu kuraasta badan Baarlamanka Switzerland oo ay Fedeexad uga timid Mudanihii ay u sharaxeen Kursiga Bundesrat-ka.

Halkaan ka akhri

Waxaa Fedeexad ku Timid Xisbiga Grabka Midig  SVP, oo ah xisbiga ugu kuraasta badan Barlamaanka Dowlada Federaalka ee Switzerland ka dib Markii ay u soo sharaxeen laba mudane in ay u tartamaan kursiga horey looga ceyrshay ee Bundesratka Afar sano ka hor.

Waxaa fedeexadan noqotay in xildhibaan  mudo  30 sano ah ku soo jiray golaha Barlamaanka oo loo tirinaayayna in uu soo  dhiciyo kursiga xisbiga SVP, ayaa waxaa joornaalka Weltwoche ee ka soo baxa Dalka Switzerland uu soo bandhigay Fadeexad ku saabsan  Bundesratskandidat Bruno Zuppiger oo lagu sheegayo in uu galay denbi ah in uu Haweeney dhimatay isla markaana ka shaqeyn jirtay hey’ad uu isaga madax ka ahaa uu hanti ay laheyd oo ma guurta ah u daba maray, isla markaana ku wareejiyay koontadiisa shaqsiydeed, taas oo uu ku sheegay in ay ahayd arrin la xaliyay oo toban sano ka soo wareegatay.

Balse shacabka iyo isla xibiga SVP ayaa wax iska weydiiyay sida loo aaminni karo shaqsi hanti qof dhintay hunguriyeystay, waxaana xisbiyada dalkan ay aad u soo dhaweeyeen dhacdadaan soo shaac baxday todobaad ka hor u codeeynta golaha dalkan ka taliya oo waxaa ay leeyihiin  waxaa ay sumcad daro soo wajihi lahayd  golaha sare ee Swiss-ka, haddii uu ka mid noqan lahaa shaqsi noocan oo kale ah.

Bundesrats-kandidat Herr Bruno Zuppiger ayaa waxaa u yeeray isla xisbigiisa si ay arrinta wax uga weydiiyaan waxaana lagu qasbay in uu  ka noqdo isu soo sharaxidii uu isku soo sharaxay Bundesratka, waxaana isla Maalin kadib ay soo sharaxdeen shaqsi cusub xisbiga SVP, kaas oo ah ninka iminka golaha Barlamaanka ay u doorteen Afhayeenka Isniintii tagtay.

Si kasta arrintu ha u dhacdee waxaa ay saxaafaddu ka war sugeysaa sida ay ku dhamaan doonto doorashada ka dhici doonto Magaalada Bern Arbacada fooda inagu soo heyso ee ay taariikhdu tahay  14-ka December.

SomaliSwiss  Swissinfo  Gobdon

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: