HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
R/wasaaraha dalka C/weli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad tababar loogu soo xirayay shaqaalaha wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka taas oo lagu qabtay xarunta taliska booliiska ee Muqdisho.
Tababarkan oo muddo 6 maalin ah u socday 54 xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka islamarkaana lagu barayay qaabka ay wasaaradu horumar uga gaari laheyd howlaha loo igmaday.
Munaasabaddaasi ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaare C/weli wasiirada Warfaafinta, qorsheeynta iyo iskaashiga caalamaga ah, taliyaha ciidamada Booliska, agaasimaha guud ee hay’adda nabad sugidda qaranka, agaasimayaasha waaxyahay wasaaradda arimaha gudaha, saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Ganaraal Bashiir Maxamed ‘Bashiir Goobbe’ oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada siminaarkan loo qabray ay aheyd sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta dhinaca maamulka ee shaqaalaha wasaaradda si ay u gutaan howlaha ay qaranka u ahayaan.
C/samad Macalin Maxamuud wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka oo isna ka hadlay xiritanka siminaarka ayaa kula dardaarmay shaqaalihii tababarka loo soo xiray in looga fadhiyo meel marinta howlaha wasaaradda.
R/wasaare C/weli oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradani ay leedahay muhiimad gaar ah maadaama ay u xilsaarantahay amaanka iyo maamulka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay qaabka ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu u gudanayaan howlahooda isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan howlaha loo igmaday.
Ugu dambeyntina shaqaalahii tababarku u soo dhamaaday ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin iyadoo munaasabadaasina ay ku soo gebageboowday jawi aad u sarreeya. Source Radio Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.