Halkaan ka akhri
War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee gobolka Gedo ayaa sheegaya xaaladda degmada Baardheere ay saakay kacsan tahay, kaddib markii shalay iyo dorraat ay duqeeyeen diyaarado dagaal goobo bartilmaameed u ahaa oo ay ku sugnaayeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab, iyadoona ilaa xalay ay diyaaradaha dagaalka dul heehaabayeen hawada degmada Baardheere.
Duqeymihii shalay ka dhacay degmada Baardheere ayaa la sheegayaa in saddex gantaal ay ku rideen goobo kala duwan, waxaana gantaalahaas lala beegsaday xero ay deganaayeen caruur agoon ah, inkastoo aan la sheegin khasaarihii uu geystay gantaalkaasi.
Sidoo kale Warku wuxuu intaasi ku darayaa in qaar ka mid tuulooyinka ku dhow degmada Baardheere dadkii degenaa ay isaga barakaceen, kaddib markii ay cabsi ka muujiyeen diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda xalay oo dhan dul heehaabayeen degmada Baardheere iyo Tuulooyinka ku hareersan.
Dhinaca kale Xaarakada Al-Shabaab ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo iyo diyaar garow dagaal oo isugu diyaarinayo inuu iska difaaco weerarada cirka iyo dhulka ah ee ay ku hayaan ciidamada dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Inta badan dadka ka barakacaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku sii jeeda degmooyinka kale oo nabdoon oo ku yaala gobolkaas, halka qaarkoodna ay ku sii jeedaan saakay dhinaca xadka u dhaxeeya labada dal.
SomaliSwiss Baardheere
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.