Afhayeenka ciidamada Kenya oo sheegay in Dowladdiisu ay si buuxda u soo dhaweysay hadalkii Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Halkaan ka akhri

Kolonel Cyrus Oguna oo ah Afhayeenka ciidamada Kenya oo shir jaraaid ku qabtay magalalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Kenya ay u baahan yihiin sharciyad buuxda oo golaha ammaanka ee qaramada midobay ay ku meelmarinayaan ku biiritaanka ciidamada milatariga ee dowlada Kenya.

Afhayeenku wuxuu sheegay in dowlada Kenya ay aad u soo dhoweyneyso hadalkii xoghahaha guud ee qaramada midobay uu ku adeecay goaankii golaha baarlamanka wadanka Kenya ay ku meelmariyeen kamid noqoshada howlgalka midowga Africa AMISOM ee ciidmadamada milatariga Kenya.

Afhayeenku wuxuu intaa uu raaciyey in ciidamadoodu ay sii wadanayaan holwgelada ay ku baacsanayaan xarakada Al-Shabab ee ku sugan degaanada Jubooyinka,

Sidoo kale Kolonel Cyrus Oguna wuxuu tilmaamay in aysan jirin waqti kama dambysa oo ciidamadaasi loogu talagalay in ay sii joogaan haatan, balse uu sheegay inay wax badan ku sugnaan doonaan gudaha wadanka Soomaaliya marka ay ugu dambeytii ku biiraan howlgalka Midowaga Africa ee AMISOM.

Dhinaca kale Banki Moon sheegay inay tahay wax aad fiican ku biiritaanka Ciidamada Kenya ay ku biiraan kuwa AMISOM, islamarkaana ka qeyb qaataan Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ka wadaan Soomaaliya.

SomaliSwiss  Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: