Ra’isal wasaare C/weli oo sheegay in dalku uu gelay marxalad cusub, balse ciidamada looga fadhiyo in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan.

Halkaan ka akhri

Munaasabad oo heer sare loo soo agaasimay oo tababar loo xirayey Ciidan gaaraya  867  askari, kuwaas oo horey tababar ku soo qaatay dalka Uganda ayaa waxaa ka soo qeyb galay R/wasaaraha xukuumada KMG ah, wasiirada Gaashaandhigfa, caafimadka, haweenka, kaluumeysiga, taliyaha Ciidamda Amisom, saraakiil ganeraallo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo mas’uuliyiin kale.

ugu horreyntii waxaa goobti ciidamada tababarka loogu soo xirayay ka hadlay R/wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka difaaca mudane Xuseen Carab Ciise oo kula dar daarmay ciidanki tababarka loo soo gabagabeeyey in ay dhowraan shuruucda ciidamada, una diyaar garoobaan difaaca dadka iyo dalkooda, wuxuuna wasiirku u sheegay in 7 cisho kadib ay qaadan doonaan mushaaraadkooda.

R/wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, C/wali “Gaas” oo isna ka hadlay Munaasabaddaas ayaa sheegay in dalku uu ka gudbayo marxaladda kala guurka ah, uuna galayo marxalad cusub  oo loo baahan yahay in ciidamadda qalabka sida ay ka qaataan door muhiim ah, kadib markii uu ka qayb galay R/wasaaruhu munaasabad tababar loogu soo xirayay cutubyo ka tirsan ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya.

R/wasaare C/weli iyio xubnihi la socday ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka intii ay socotay munaasabadda ayaa waxa ay fannaaniinta kooxda horseed ku soo bandhigeen heeso ka tarjumaya muhiimada ciidamada.

R/wasaare Cabdi wali Maxamed Cali ayaa muujiyay inuu ku faraxsan yahay  sida ay ciidamada tababarka loo xirayo maanta ay shucuurtooda wadaninimo u kacsan tahay, wuxuuna ku boorriyay in ay horsed u noqdaan soo celinta sharafta iyo karaamda Ciidamada Soomaaliyeed

Dhanka kale Dr. Cabdi weli oo sheegay in dalku uu gelay marxalad cusub, balse ciidamada looga fadhiyo in ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan isbedelkaasi

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: