Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa sare ee Golaha Ammaanka ee Q.M oo booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ban kii Moon  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda.

Sidoo kale Wafdiga uu hoggaaminayo Ban kii Moon   ayaa waxaa xarunta Madxatooyada ku qaabilay Madaxda sare ee Dowladda KMG Soomaaliya,  iyadoo halkaasi ay si diiran ugu soo dhoweeyeen R/wasaare C/weli Maxamed Cali iyo Xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban ki Moon  ayaa waxa booqashadiisa ku wehlinayay Madaxweynaha Golaha loo dhanyahay ee Q/Midoobay Naasir C/casiis Al Naser, ku xigeenka xogahay guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dhanka siyaasadda, Ambsadoor Mahige iyo xubno kale, waxaana loo soo galbiyay xarunta madaxtooyadaVilla Soomaaliya halkaas oo ay si wadajir ah ugu qaabileen madaxweyne  Shariif  Sh. Axmed,  guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aaden iyo R/wasaare C/weli Gaas.

Kadib markii uu soo dhamaaday kulanka laba dhinac ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweynaha Soomaaliya, Xogahaya guud ee qaramada Midoobay iyo madxaweynaha golaha  guud ee qaramada midoobay.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in booqashada wafdiga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon  ay dhiirigelin u tahay dowladda iyo shacbigeeda isagoo dhanka kale uga Mahdceliyay madaxda qaramada midoobay dadaalka ay ku garabtaaganyihiin ummadad Soomaaliyeed.

Sidoo kale Banki Moon ayaa sheegay in dood muhiim ah uu la qaatay madxada dowladda islamrkaasna ujeedada ay u yimaadeen ay tahay sidii ay u arki lahayaeen isbedalka ka jira dalka wuxuuna intaasi ku daray in xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya ee UNPOS loo soo rari doono magaalada Muqdisho bisha Jaanaayo ee sanadkan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon  oo sii wata hadalkiisa ayaa wuxuu ka hadlay dib u habeynta Baarlamaanka isagoo dhanka kale soo dhaweeyay go’aankii uu baaralamaanka Kenya ku ogolaaday in ciidamada Kenya ay ka mid noqdaan howlgalka Amisom waxa uuna xogahayaha guud uu si kulul u cambaareeyay maleeshiyaadka kooxda shabaab ee maalin kasta dhibaatada iyo dilalka ku haya shacbiga Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Kulankaas ka hadlay Naasir Cabdulcasiis oo ah Madaxa Sare ee golaha Ammaanka ee Qaramad Midoobay ayaa ballan qaaday in Beesha caalamka iyo Q.M ay ka go’an tahay in ay sii dardar-geliyaan dadaallada lagu caawinayo shacbiga Soomalaiyeed.

Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horreysay oo ay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxa sare ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay booqasho tariikhi ah  ay ku yimaaadaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: