FAALO: Maxaa keenay in Bankiyada Caalamka ay ka caga Jiidaan isla-markaasna ay joojiyaan isticmaalka Xawaaladaha xisaabaadka Bankiyada?

Halkaan ka akhri

Maxaa keenay in Bankiyada Caalamka ay ka caga Jiidaan  isla-markaasna ay joojiyaan isticmaalka Xawaaladaha xisaabaadka Bankiyada?

Sida  la wada ogsoon yahay waxaa dhawaantan qaar ka mid ah Bankiyada dalka Mareykanka, gaar ahaan Bankiyada ku yaala gobolka Minnesota, oo ka mid ah  Franklin Bank oo ay Xawaaladaha Soomaalidu ku lahaayeen Xisaabaad (Account) ayaa ku wargeliyay in joojiyey xiriirkii ka dhexeeyey Bankiga iyo Xawaaladaha, isla markaasna  uu xiray Xisaabaadkii ay ku lahaayeen Bankiga, iyadoo bankigan uu yahay midka keliya ee ay xawaaladaha Soomaalidu isticmaali jireen.

Sida la sheegay Bankiga Franklin ayaa xaruntiisu tahay gobolka Minnesota oo ay daggan yihiin Soomaali aad u badan, waxaana Masuuliyiinta Bankigaas ay mid-mid ula kulmeen Madaxda xawaaladaha, iyagoo la siiyay warqado ay ku qoran yihiin in 15-ka December la xirayo Xisaabaadkii ay ku leeyihiin Bankiga Franklin.

Saraakiisha Bankiga ayaa sheegay in sababta ay u xirayaan Bankiga ay tahay xukun ay maxamadi ku ridday laba haween Soomaaliyeed ah oo lagu eedeeyay inay lacago u direen Al-shabaab, iyagoo intaas ku daray in la taliyeyaashooda dhinaca sharciga ay kula taliyeen inay xiraan akoonnada ay xawaaladaha Soomaalidu ku leeyihiin bankiga.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka, ayaa waxay arrintan ka muujiyeen walaac xooggan, iyagoo billaabay inay xiriir la sameeyaan sidii ay ula kulmi lahaayeen senetarada laga doorto gobollada ay Soomaalidu ku nool yihiin, si cadaadis loogu saaro in bankiga uu ka laabto go’aanka uu ku xirayo Xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida.

Balse Aqoonyahannada ku xeel dheer xawaaladaha iyo bankiga ayaa waxay sheegayaan in tani ay caqabad ku noqonayso lacagihii Soomaalida ay u diri jireen Soomaaliya, taasoo ay dad badan oo Soomaali ah noloshooda ku tiirsan yihiin.

Waxaa kaloo jira in wadamo badan oo Yurub ka tirsan ay cabsi weyn ka qabaan in bankiyadoodu loo isticmaalo lacagaha loo xawilo Ururrada Argagixisada sida Al-Qaa’ida iyo Al-Shabaab.

Haddaba, haddii ay Wadamada Reer Galbeedka ay ka dhabeeyaan  joojinta iyo xannibaada lacagaha ay Soomaalida ku nooli dalalka Reer Galbeedka ay ehelladooda ku nool gudaha Soomaaliya u diraan, waxaa dhici doonto musiibooyin ka daran kuwii ka dhacay Soomaaliya horraantii sannadkan.

Xawaaladaha Soomaalida badinkood waxay jecel yihiin in si sharci ah oo aan laalaab lahayn lacagahooda uga dirsadaan Bankiyada caalamka, balse Wakiilada Xawaaladaha ayaa doonaynin oo diidan in si nadiif ah oo sharci ah uga dirsadaan Xawaaladahooda Xisaabaadka loogu tala galay, hase ahaatee waxaa lacagahaas inta badan ay ku dhacaan Xisaabaadka Xawaladahaas  ay ku leeyihiin Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay uga sii gudbaan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika.

Warbixin uu soo saaray Bankiga Adduunka ayaa wuxuu ku sheegay in sannad walba ay dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool u diraan eheladooda la wada ogsoon yahay waxaa Bankiyada Mareykanka sida: US Bank, TCS Bank iyo kuwo kale ay horay u joojiyay xiriirkii ay la lahaayeen xawaaladaha Soomaalida, iyadoo haddana Bankiyada Reer Yurub ay ogaadeen hab-dhaqanka sharci darrada ah ee ay xawaaladaha Soomaalida ku dhaqmaan.

Somaliswiss  Zürich

Qore: Dr. Axmed Dhicisow

SomaliSwiss@hotmil.com

%d bloggers like this: