Dowladda Ingiriiska oo sameysay qaab ay kula xiriiri karto Soomaalida gudaha iyo qurbaha.

Halkaan ka akhri

Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furay barta internet-ka ee rasmiga ah ee UKinSomalia <http://ukinsomalia.fco.gov.uk/en/>.

Isagoo ka hadlayay furitaanka bartan, ayaa Wakiilka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Matt Baugh ayaa yiri:

“Bartan waxay qeyb ka tahay dadaallada aan ku dooneyno inaan shacabka Soomaaliyeed la yeelano wadahadal. Haddii ay Soomaalidu ka soo booqdaan qurbaha ama Soomaaliya gudaheeda waxay ka heli doonaan macluumaadkii ugu dambeeyay eek u saabsan siyaasadda UK iyo dadaallada ay ka waddo Soomaaliya”.

Marka laga reebo barta internet-ka, Xafiiska Ingiriiska ee Soomaaliya wuxuu si joogto ah u soo bandhigi doonaa qoraallo ay sameeyeen wakiillada Ingiriiska ee Soomaaliya.

Sidoo kale dadka isticmaala Facebook waxay ka heli karaan iyagoo ka raadinaya UKinSomalia, iyadoo dhanka Twitter laga heli karo @UKinsomalia<http://twitter.com/#!/UKinSomalia>.

“Iyadoo la adeegsanayo wada-hadalka dhanka internet-ka, waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed inay noo soo gudbiyaan taladooda ku aaddan dadaalladeena iyo guud ahaan waxqabadka UK ee Soomaaliya,” ayuu yiri Matt.

Sameynta website-ka UKinSomalia, iyo bogagga Facebook iyo Twitter waxay imaanayaan iyadoo Dowladda Ingiriisku qorsheyneyso inay martigeliso shir caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya oo ka dhacaya London bisha Febraayo 23keeda ee sanadka soo socda si looga xaajoodo in la mideeyo dadaalada caalamiga ah.

Bishii Maajo ee sanadkan ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska, Wilyam Heeg uu sheegay in Dowladda Ingiriisku ay dib u furi doonto safaaraddii ay ku lahayd Soomaaliya isla marka ay xaaladda gudaha Soomaaliya oggolaato. Source Radio Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: