Advertisements

Boliiska Kanton Zürich oo gacanta ku dhigay Guryo lagu beerayey Geedo Maan-dooriyaal ah.

Halkaan ka akhri

Boliiska Kanton Zürich ayaa shalay gacanta ku dhigay 3 Guri oo lagu beeray laba Kun Geed Maan-dooriyaha   loo yaqaana cannabis “indoor”.

Guryahan  ayaa laga kireystay Nin haatan ku maqan Waddanka dibaddiisa, waxayna Guryahaas ku yaalaan deegaanada  Adlikon (ZH) iyo Effretikon (ZH), sidaas waxaa shaaca ka qaaday Boliiska Kanton Zürich.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Boliisku ay la wareen labadii Kun Geed Maandooriyaha ahaa iyo Saddaxdii guri oo lagu dhaqaaleynayey Dhirta Maandooriyaha ahaa, sidaas darteed Boliiska waxay sheegeen in arrinta ay dacwo ka keeneen dadka deggan degmooyinka Adlikon (ZH) iyo Effretikon (ZH), kadib markii ay u adkesan waayeen Urka iyo Shiirka geedka maandooriyaha ah.

Dhanka kale Boliiska ayaa waxay isla shalay la wareegeen 350 geed oo Maandooriyaha Kannabis ah iyo laba Kilo Marijuana ah oo la qallajiyey guri ku yaala degmada Wald (ZH), waxayna Boliiska ay arrintaas u qabteen laba qof oo Lamaana ah oo dàdoodu lagu sheegay 43 jir iyo 46 Sano jir.

SomaliSwiss   Swissinfo  Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: