Xafladdii Furitaanka Tower-kii uga dheeraa oo shalay ka dhacday Magaalada Zürich ee Wadanka Switzerland.

Halkaan ka akhri

Magaalada Zürich ayaa shalay loogu dabaal-degay Xafladdii Furitaanka Tower-kii ugu horreeyey ugana dheeraa Wadanka Switzerland oo dhirirkiisu yahay 129 meter, waxaana dhismahaas ka shaqeynaya 2000 qof.

Sida la sheegay Tower-kan dhismihiisa ayaa ku kacday  lacag dhan 360milyan Faranka Swiss, sidoo kale waxaa dhismaha Tower-kan  ka kooban yahay 36 dabaq oo badinkoodu ah Xafiisyo.

Waxaa dhismaha Tower-ka Naqshadeyey Eng Gigon e Guyer oo ka soo jeeda Degmada Zürich (Stät Zürich), waxaa dhismaha Tower-ka oo Miraayad ah uu socday18 bilood, waxaana haatan kireytay shirkadaha, Qareenada,Bankiyada iyo Hay’adaha la Talinta.

Si kasta ha ahaatee dhismaha Tower-kan ayaa ah haatan dhismaha ugu dheer ee dalkan Switzerland, hase ahaatee waxaa magaalada Basel ka billaabmi doono  Sanadka soo socdaTower dhirirkiisu lagu sheegay 175 Meter oo ka kooban 41Dabaq, kaasoo suuqa ka saari doono Tower-ka  magaalada Zürich, waxana Tower-kaas dhisaaya Shirkadda Roche ee Daawooyinka soo saarta, waxaana la sheegay inuu dhismahaas dhammaanayo Sanadka 2015ka, Dhismahaas oo ku kacaaya lacag dhan 550milyan oo Franka Swiss ah.

SomaliSwiss     Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: